fursadaha iyo Caqabadaha Horyaala Hirgalinta Go’aankii xukumada DDS.

 

Maalin Kahor waxay Golaha xukuumada deegaankeenu meel mariyeen Go’aan Taariikhda in badan lagu xusi doono, kaasi oo lagu soo celinayo deegaanada Dhuunyar iyo Daymeed ee Galbeedka Sitti oo ay Kooxdii Nacabka ahayd ee TPLF iyo Adeegayaasheedu si sharcidara ah ugu wareejiyeen mamulka Canfarta.

Haddaba su’aalaha laga Yaabo inay in badan oo Somaali ahi iswaydiinayaan ayaa ah, maxaa xigi doona go’aanka xukumada? Maxaa la filani karaa? Fursadaha jira maxay yihiin? Maxaase caqabad noqoni kara?

Fursadaha ugu muhiimsan

1. Maamulka deegaanka iyo shacabka oo ka midaysan qaddiyadda dhulka galbeedka Sitti – Waa fursad aan horay u jirin wayna adkaani doontaa in dawlad iyo shacab gacmaha is-haysta si sahlan looga Guulaysto, amaba loo ilduufiyo.

2. Dastuurka Itoobiya – Walow uu yahay magac-u-yaal buug uun ku qoran oo aan waligii la dhaqan-galinin, haddana waa xujo adag oo aan in badan waraabaha yur ku odhani karno.

Haddiiba ay dhacdo in mar uun dastuur lasoo hadal-qaado, gacanta sare innagaa leh.

Caqabadda ugu wayn.

1. Waa Militariga Itoobiya – gaar ahaan saraakiisha Tigreega oo saamayntoodu aanay marnaba hoos u dhicin marka qadiyaddan laga hadlayo.

Deegaanka Canfartu waligii ma yeelanin maamul karti leh waana sababta ilaa maanta ay luqaddooda shaqadu u tahay Af-Axmaari iyadoo dadku 100% Canfar yihiin.

Wuxu deegaanku hoy u yahay oo dhaqaalihiisa dhuumo waawayn u dhigtay saraakiil Tigree ah oo si dadban deegaankaas uga arrimaya.

Haddaba ciidamadu iyagoo u xilanaya masaalixdooda waxay sii wadi doonaan shaqadii ay awalba hayeen, taasi oo ah inay soo abaabulaan soona Hubeeyaan maleeshiyaadka Canfarta marka xaalku ku adkaadana iyagaa sidoodii Toos usoo Gali doono.

Maxaa ku dhici kara bulshada deegaanadaas ku dhaqan?

Ha fishaan weerarrada lagu hayo oo aad u kordha toddobaadyadan gaar ahaan deegaanada labada dacal (Aagga Hawaas – Madane ilaa Garba-Ciise iyo aagga xadka Jabuuti xiga – Cadayle iyo Jiijaale).

Dhinaca deegaamada dhexe (Dala-helay, Cundhuufo ilaa Cadayti) ha lagu talogalo culayska ciidamada militariga oo aad u kordha.

Bulshada Soomaliyeed maxaa la gudboon?

Waxan ku talini lahaa in la qorsheeyo bannax-baxyo waawayn oo nabadeed oo lagu Taageerayo Go’aanka xukumada si loogu quus-gooyo shaqsiyaadka basaaska xil-doonka ah ee Addis Ababa fadhiya dawladda dhexena loo tuso Taageerada loo hayo maamulka Mustafe.

Khaasatan bannaan-bax kasta oo laga sameeyo jidka tareenka iyo laamiga Jabuuti (iyadoo aan jidka la xidhaynin xilligan) waa farriin Toos ugu dhici doonta dhegaha kuwa Itoobiya u taliya.

Maamulka deegaanka maxaa kaloo laga rabaa?

Waxa laga rabaa dejinta qorshihii lagu hirgalini lahaa go’aanka dawladda dhexe waxay leedahay meelo jilicsan oo looga faa’iidaysani karo xilligan.

Waa in laga baaraan-dego sidii loola macaamili lahaa warbaahinta madaxa bannaan waayo saxaafadu waa meelaha dagaalka ugu badan aan kala kulmi karo, kuna darso oo saxaafada Itobiya Somaalida uma Taqaan Itobiyaan e waxay u Taqaan cadawga kaliya ee Itobiya leedahay.

Ugaaska iyo Ganduhu waxay leeyihiin door wayn oo ay Itoobiya aad uga warqabto oo waxaaban is idhaa haddii uu jiro hal qof oo Soomaali ah oo ay Itoobiya in yar oo xurmo ah u hayso qofkaasi waa Ugaas Mustafe.

Dabcan xurmadaasi (haddiiba ay jirto) maaha hadiyad shuruud la’aan ah, bal waa mid ku dhisan dan iyo masaalixdooda.

Bye: Mawlid K. Ismail