Maxaa kasoo Kordhay dooda iyo Kulamada u socdda Somaalida Canfarta iyo Federaalka.

 

Iyadoo ay  maalmahan socdaan kulamo aad u adag oo u dhexeeyay mamulada Soomaalida,Canfarta,iyo Federalka Itoobiya, ayaa waxaa soo baxaya xogo rasmiya oo sheegaya in maamulkii Canfarta ee sidda Joogtada ah Shacabka Soomaaliyeed xasuuqa barakicinta iyo bah-dilaada ugu Yahay, ay ku doodayaa in 3-da degmo dhul Canfareed yihiin dadka kunool ee Soomaalida ahina ay ladhacsan yihiin Taageersan-yiina sida wax u socdaan.Hadakaas oo ah wax laga yax-yaxo maxaayeelay gumaadka iyo barakicinta 4 sanno jirsatay ayaa ah wax cid walba ka dhegeresan tahay.

Mamulka Canfartu waxay Eedaymo culus usoo Jeediyeen mamulka Soomaalida oo ay sheegeen inay iyagu kadambeeyaan waxa kasocda degmoyinka 3-da ah ee lagu wareejiyay, balse aysan Jirin wax cabasho ama dhibaata ah oo dadka deegaamadaasi kunool ay Qabaan Habayaraatee.

Doodaha Labada dhinac iyo Federaalka Itoobiya waxay Labadii maalin ee lasoo dhaafay u socdeen si xawli ah inta badan ama dhamaan shirarkana waa laysku mari waayay, ilaa iyo hadana majiro wax rasmi ah oo dhinacyadu isla Gaadheen.

Mamulka Canfartu waxay Gabi ahaan ba kasoo Horjeedaan in dooda kusaabsan in arinka 3-da degmo lagu dhameeyo Hanaan dastuuri ah, taasi oo ay u arkaan in si fudud deegaamadaasi Gacantooda uga baxayaan xataa iyada oo aan wax Afti ah laga Qaadin dadka deegaankaasi, waayo xataa Hal ruux oo Canfari ah deegaan ahaan miyi iyo magaalo Toona uguma noolaa dhulkaasi marka laga reebo Askarta duulaanka kutimaada.

Masuuliyiinta dawlada deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa inay ku adkaysanayaan Hirgalinta dastuurka dalka oo damaanad Qaadaya Qomiyad ahaan xaqa ay u leeyihiin inay deegaankooda kamid noqdaan, ama dadkaasi laga Qaado Afti lagu waydiinayo cida ay iyagu kunaqanacsan yihiin mamul ahaan inay kamid noqdaan.

Hadab Shacabka Soomaaliyeed ee Cundhufo Cadayti iyo Garba-Ciise ee sida xun loo gumaaday waxaa lama Huraana inay isu diyaariyaan sida uga bixi lahaayeen, dhibaatoyinkii mudada dheer ay dariska lasoo ahaayeen ee xasuuqa Barakicinta iyo bahdilaada isugu jiray.

Guud ahaan waxgaradka 3-da degmo iyo shacabku waa inay si buuxdo umuujiyaan inay dad Soomaaliyeed oo dhulkoodii iyo deegaankoodii daganaa yihiin, balse si sharci darrada ah loogu daray deegaan wax kala dhexeeyaa uusan Jirin iyada oo aan waxba laga waydiinin.