Raashin ay maalmo ku Afuran oo soo gaadhay shacabkii lagu gubay magaalada Dan-lahelay ee degmada Afdam(Sawirro)

Go’doomin iyo gumaad dheer kadib xafiiska DPPB ee Soomaali-State waxay gaadhsiiyeen Raashin qabalaha Dan-laheley halkaas oo ay tiro ahaan gaadhayeen shacabka Dan-laheley laga barakaciyay 4500 qoyse Ama 27000 oo qof waa talabo aad u wanaagsan Alle mahadi weeyi wayna ku mahadsanyihiin intan iyo in kabadan waynu ka sugayna.

Waxaa xusid mudan  gumaadkii hoos-ahaaneed inuu wali joogsan oo shacabka xoolo dhaqatada ah lagu isir beegsan laguna soo doonaan dagaanadoodi iyagoo loogu xoog sheegan shaadh dawladeed(Ismaamulka Canfarta)

Inkastoo loo diray ciidama Soomaaliyeed ee Liyuu Booliska hadana wali Cid badbaadisa aynan haysan Habeen iyo dharaar shacabku waxay la daris yihiin cabsi iyo walwal badan oo kaga imaan karta maleeshiyaadka Canfarta ee sida xaqdarrada ah dhul aynan lahayn usheegan.

Annago taas ka duulayna waxaan kula talineynaa Xukuumadda deegaanka iyo Gobolka in Ciidanka Liyuuga Police la dardar galiyo si loo geeyo Goobahaas waa waajib xaq bay uleeyihiin inay helaan ciidan ka badbaadiyay weeraradan joogtada ah. Hurdo wanaagsan iyo nacaw udgoon shacabku waxay heli karaan markay Ciidan Hubaysan oo cadaw kaste u jilib dhiga ay helaan naftooda iyo hantidooda badbaadiya.

Sawirka Ismaaciil Geedi.

Sawirka Ismaaciil Geedi.

Sawirka Ismaaciil Geedi.

Sawirka Ismaaciil Geedi.