Soomaali-State maxaa talo u yaal Hadday Oromo siddan u riyootay?

Saaka Iyo Siyaasada Itoobiya! OLF iyo OFC oo Midoobaya+ Isbahaysi Cusub! ,,XAASAASI,,

Waxaa banaanka usoo baxay shaki in mudo ah laga qabay halka ay maridoonto siyaasada deegaanka Oromiya iyo is xulafaysiga dhici kara.

Waxaa soo ifbaxay warar hordhac ah oo xaqiijinaya (Confirm) midawga Oromo Liberation Front (OLF) iyo Oromo Federalist Congress (OFC) labadan xisbi ayaa ah kuwa ugu saamaynta badan guudahaanba deegaanka oromiya waxaana hubaala in hadii ay dhacdo doorasho xalaal ah ay daaqada kasaarayaan ODP oo ah xisbiga haatan talada haya islamarkaana ah hogaanka haatan ee EPRDF.

Waxaan soo xasuustay hadal uu hada kahor iisheegay ninaan saaxiibo nahay oo Abdinur Abdella layidhaahdo oo aan markaa iska waraysanaynay suuragalnimada arintan, waxaana ii cadaatay inuu xogbadan hayay saaxiibkay wakhtigaa inkasta oo aan laftaydu qiyaaso iyo xogo badan hayay,,. Hamoogaan saamaynta Jawhar oo qayb kanoqon kara isbahaysigan,,

Midawga OLF iyo OFC maaha mid ladhayalsan karo waayo waa laba xisbi oo aaminsan in shacabka oromadu uusan gayin wax kahooseeya nidaam federaal ah oo sax ah loona simanyahay, waana laba xisbi oo aad uga fog aragtida buuralayda qaar ee ah ,,Hal itoobiya,, dhankakale waxaa suuragala in isbahaysi cusub oo siyaasadeed uu kadhasho buuralayda itoobiya kaasoo dhabarjab kunoqon doona isbahaysiga EPRDF, ta cusub ee ODP iyo ADP,,

Sikale hadaan udhigo waxaa suuragala in TPLF ay kabaxdo EPRDF islamarkaana uu samaysmo isbahaysi cusub oo ah TPLF+OLF/OFC+Intabadan deegaanka shucuubta koonfureed gaarahaan Sidamo+Wolayta. Taasoo abuuri karta aqlabiyad kale oo horleh wixii loogaadho doorashada xigta, waxaa intaasi dheer in in asxaabtan aan soo sheegay ay dhamaantood aaminsan yihiin in doorashadu xiligeeda qabsoonto iyo in nidaamka federaalka ah iyo tastuurku uuyahay lama taabtaan,,

,,ONLF ayaan ilaa hada la ogayn halka ay geediga kufurayso iyo cida ay gaashaan buur kadhiganayso,, inkasta oo ciyaari galindanbe aytahay. Suuqa buugaagtuna uu haatan sare ukacay,, XDS wuxuu haatan saabka dhigtay EPRDF’ta cusub iyo Abiy Ahmed,,.

Midawga OLF iyo OFC oo kaliya ayaa mugdi galinaya in xisbiga ODP ee PM Abiy Ahmed uu siimatalo shacabka oromada, waana halkaas meesha ay ciyaartu kabilaabanaysaa.

,, Qor taariikhda Screenshot’na kaqaado Si,aad noola wadaagto maalinka Midawga OLF iyo OFC lasaxeexo,, iyo Isbadalka abuurmikara.

Source;SDM