Qadafku Waa Shay Xaaraan Ah. Majirto Meel Uu Mudane Aadan Faarax ku yidhi Dad aan soomaali ahayn ayaanu DDS soo dajinay,, XAASHA.

 

Halkan Kaga Bogo Waraysigii Madaxwayne kuxigeenka DDS mudane Aadan Faarax.

Slået op af Abdirashid Ali Shuaa i Fredag den 31. maj 2019

H.E Aadan Faarax, Barakacayaasha DDS!

Waxaan kuguulaysanay inaan dib udajin usamayno inkabadan 287 kun (laba boqol sideetan iyo todoba kun) barakacayaal ah kuwaas oo aan kucelinay goobihii ay kasoo barakeceen, waxaana wadnaa qorshe aan intakale ee soo hadhayna dibudajinta rasmi ah ugu samaynayno anagoo kaduulayna nidaamka iyo shuruucda deegaanka& dalkana waxaan xaqiijinaynaa in barakacayaashu ay kunoolaadaan kaganacsadaan islamarkaana ay dhexmaraan goobtii ay doorbidaan ee dalka iyo deegaankaba kamid ah iyadoo amnigooda iyo noloshoodana ladamaanad qaadayo.

H.E Aadan Faarax, Dhulka iyo beeraha!

Waxaa dhacday in 2 gobol oo kaliya sifo sharcidaro ah dad loogu wareejiyay dhul beereed kabadan 126 hectares, halka gobolka kalana ay sidaasi silamida kadhacday, waxaana dhulkan lagu wareejiyay shaqsiyaad iyo shirkado aan lahayn awood dhaqaale iyo mid fulineed iyadoo loo cuskanayo maalgashi, hadaba waxaan kuwargalinay dadkaasi inay dhulka soo celiyaan waxaana kuguulaysanayn inaan dhulbadan kusoo celino gacanta dawlada si,aan bulshada ugaga faa,iidayno, waana siiwadaynaa arintan. Dhankakale waxaan xaqiijinaynaa tayada iyo adeega garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale ee adeeg bixinta.

H.E Aadan Faarax,Ganacsiga Sharcidarada ah!

Anagoo kaashanayna haayadaha heer federaal ee ay khusayso waxaan kuguulaysanay hoos udhigida ganacsiga xaaraanta ah, waxaan dib u adkaynay dhaq dhaqaaqa iyo lasocodka xuduudaha waxaana hoos udhignay ganacsiga sharcidarada ah balse wali maanaan gaadhin halkii aan rabnay.

H.E Aadan Faarax, Shaqaalaha iyo musuqa!

Waxaan kuguulaysanay joojinta mushaharaadka masuuliyiin iyo shawaale kala duwan kuwaas oo iyaga oo aan joogin goobohoodii shaqo ama aan jirinba mushaharkoodu bixi jiray, waxaana kamida meelaha caqabadahaasi kajireen waaxda caafimaadka iyo waxbarashada, waana sii xoojin doonaa arintan.

H.E Aadan Faarax, Arinta Xisbiga!

Waxaan dhawaan dib uhabayn kusamaynay xeerka xisbiga Dimuqraadiga soomaalida (XDS) kaasoo aan ufurnay qofkasta oo muwaadin itoobiyaan ah Islamarkaana degan deegaanka soomaalida, yaqaana dhaqanka iyo afka deegaanka soomaalida, aaminsan oo kuqanacsan xeerka iyo shuruucda xisbiga islamarkaana ah qof ixtiraamaya dastuurka deegaanka iyo dalka, arintan waxaan uga gonleenahay in kor loo qaado kaqaybgalka Dimuqraadiyada deegaanka iyo dalka waxaana rajaynaynaa inay tusaale wanaagsan noqoto. Ayuu yidhi H.E Aaden Faarax.

,, 9kii bilood ee lasoo dhaafay waxaan bilownay mashaariic waawayn waxaana shaqo abuur usamaynay dhalinyaro gaadhaysa 26kun kuwaas oo qaybo kaladuwan aan fursado shaqo uga abuurnay, waxaana dib udhisnay maamulka geer deegaan ilaa heer degmo, waxaana dib uhabaynay haayadaha amaanka sida ciidanka gaarka ah oo aan saxnay khaladaadkii hore.

Fg. Barakacayaasha uu madaxwayne kuxigeenku Kahadlayaa waa kuwa kusugan Deegaanka ee kasoo barakacay gudaha iyo agagaarka xuduudaha Oromiya!

Source;SDM