Hooy Jabuuti Hadaad Xishoonayn sidda doonto iyo halkaad doonto u talaabso

Jabuuti way ku mahadsanayd talaabadi deeqsinimadda lahayd ee ay u geysatay ummada ku dhaqaan xeebaha gobolka Awdal waagi ay ku habsaday duufaanti Sagar.
Haday shalay xuduuda bariga dalka ee xadka Soomaaliya(Somaliland) Xigtay dhibti ka dhacday ay dawlada Jabuuti  hayb ahaan ugu gurmatay.

Maanta waxaa ka jirta xadka geesta galbeedka dalka jabuuti la wadaago dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Dikhil masiibo bani,aadam geystay oo ku ju dhacday shacabka masaakiinta ah ee reer Sitti.
dhimashadda dhaawac burburka iyo barakaca ka socda xuduuda jabuuti iyo Itoobiya way ka xuntahay dhibti ka dhacday xeebta Awdal ee Jabuuti sidda hagar laanta ah ugu gurmadtay.

Dawlada jabuuti ha joogto in ay shacabka dhibaataysan gacan walaalnimo u fidisee waxay galaangal iyo gacan togaalayn ku haysaa siddi xal waara loogu heli lahaa mashaqadda ka aloosan gobolka Sitti,waxay markaste xidhiidh toos ah iyo kulamo la yeelata masuuliyiinta is maamulka Canfarta ee ku eedaysan gumaadka shacabka reer Sitti.

Reer Sitti marna ma helin oo looma gudin abaalkii ay u galeen dalka Jabuuti inta lagu jiray halgankii xornimda iyo difaaci jabuuti laga difaacay duulaankii ururkii la odhan jiray Frud ee gacanta ku dhigey inta ugu badan dalka Jabuuti oo haday soo gurman reer Sitti maanta Jabuuti waxay u eegaan lahayd sidda ay tahay maanta si ka duwaan.

 

Alloow Jabuuti Barakee

Slået op af Cabdiqani Suldaan Yuusuf HiilDan i Lørdag den 2. juni 2018