Baarlamaanka Itoobiya oo anxisyey sharci ka farxiyey shacabka degaanka Soomaalidda.

 

Baarlamaanka feederaalka Itoobiya ayaa shalay ansixiyey Sharci cusub oo ku saabsan Qeybisga  kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Itoobiya, iyadoo xeerkaasi ay soo dhoweeyaan madaxda iyo shacabka Soomaalidda Itoobiya.

Sharciga qeybsiga Kheyraadka Itoobiya ee Baarlamaanka Itoobiya uu ansixiyey ayaa dhigaya in gobolkii laga helo wax kheyraad dabiici ah uu heli doono kharashka laga helo 50%, Halka dowladda Federaalka loo qoondeeyay 25%, iyadoo 25% soo hadhay loo qeybinayo ismaamullada Itoobiya oo uu ka mid yahay maamulkii kheyraadkaasi laga helay.

Warkan waxaa shaaciyay telefishanka maamulka Soomaali-State ee dalka Itoobiya, waxaana si weyn loo soo dhoweeyay xeerkan cusub oo ka dhigan in degaanka Soomaalida Itoobiya oo laga helay Gaas fara badan oo Dabiici ah uu heli doono hanti fara badan oo kheyraadkliisa kasoo baxda.

Raisul Wasaaraha Itoobiya ayaa mar sii horeysay sheegay in maamulka Soomaalida uu leeyahay 5% saami ahaan shidaalka laga helay degaanka taasoo cadho badan ku abuurtay Soomaalida balse sharcigan ayaa hadda arintaas meesha ka saaray.