Ma dhaba in 13 Askari oo reer Jabuuti ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Qaraxyo iyo Weeraro ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan?

 

Degmada Jalalaqsi waxay katirsan Hiiraan Soomaaliya waxaa ka soo baxayaa

Warar dheeraad ah kuwaa kasoo sheegayaa iska hor’imaadyo iyo qaraxyo xooggan oo maanta duleedka degmada Jalalaqsi ku dhaxmaray ciidamo katirsan AMISOM iyo xoogaga isku sheega Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaallo culus ayaa maanta duhurkii gudaha degmada Jalalaqsi iyo duleedkeeda ku dhaxmaray ciidamada Jabuuti iyo xoogaga isku sheega Shabaabul Mujaahidiin, dagaallada waxaa barbar socday qaraxyo lala eeganayay  ciidamada shisheeye magaca AMISOM ku jooga dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 13 askari Jabuutiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalladii iyo qaraxyadii maanta.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in gaadhi gaashaaman oo ay wateen ciidamada reer Jabuuti lagu gubay qaraxyo ka dhacay agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi.

Dad ku sugan gobolka Hiiraan waxay sheegeen in ciidamada Jabuuti ay la kulmeen weeraro jidgal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmada Jalalqsi.

Maanta gelinkii dambe ayaa duleedka degmada Jalalaqsi laga maqlayay jugta tiro madaafiic ah oo cidamada Jabuuti ay ku ridayeen dhulka howdka ah saacado kadib markii qaraxyo iyo weeraro looga dilay ciidamo fara badan.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan oo ku saabsan dagaalladii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi.

                                           WARAR kALE AYAA SHEEGI;

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen weerar jidgal ah ay kala kulmeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay galab jidka u galeen kolonyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti xilli ay marayeen aga’gaarka buundada jalalaqsi balse ciidamadu ay iska caabbiyeen weerarkaasi.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay khasaare dhimaasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti islamarkaana ay ka gubeen gaadhi nooca gaashaaman ah.

Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala magaca AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta khasaaraha halkaasi ka dhacay.