Duulaankii Qaawan ee Kililka Canfarta ee Qabalaha Allaalee iyo iska caabinta Shacabka geesiga ah ee reer Sitti(Sawiiro

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayaa dagaalka ka socdda galbeedka gobolka Sitti ee ay soo qaadayaan is maamulka kililka Canfarta, dagaalada oo si xoogeystay shalay galabti ayaa galaaftay nolasha dad shacab oo reer guuraha ah oo aan waxba galabsan.
Dagaalka xoogisu wuxuu ka dhacay Qabalaha loo yaqaan Allaalee oo ah goob uu ku yaal ceel biyood caan oo laf dhabar u ah nolosha dad iyo duunyo aad u fara badan weerar iyo duulaanka is maamulka Canfarta oo garab ka heli jabhado hubaysan oo ka soo talaabay xadka ay dawlada Itoobiya la wadaagto dalka Erytria ayaa qayb libaax ku leh gumaadka lagu hayo dadka shacabka reer guuraga een wax hub ah haysan.
Qabalahan oo maamul ahaan hoos taga degmada Afdem ee gobolka Sitti kana mid ah dhul waynaha Soomaali-State waxay Canfartu ku qabsadeen xoog sharci daro ah gardadda badheedhka ah ee maamulka Canfarta waxaa ka dhiidhiyey shacabka deganka oo damiirkoogu diiday in ay dhulkoogga u ogolaadaan duulaan iyo weerar uga yimaado meela kale.
Shacabka geesiga ah ee reer Sitti oo aan wax garab iyo gaashaan ah ka helin dawlad deganka Soomaali-State ayaa shali galin dambee ku guulaytay in ay hoog iyo halaag leefsiiyaan is bahaysigii ka soo duulay degmooyin iyo wadamo kale waxayna dhamaan ka saareen goobihii iyo ceel biyoodkii Allaalee iyagoo gaadhiiyey duulaanka Canfarta khasaare iyo niyad jab ay mudo ka soo bogsan dooniin kana furtay sidda aad sawirdda ku arki doontaan hub culus oo ay jabhadu ku soo weerareen dhulka Soomaalidda.

Warar qaarkood ayaa lagu warimi in jabhaddaha soo duulay ay xita ku jiraan faanaaniin caan ah oo u dhashay dalka Erytria kuna dhintay dagaalka Sitti lagu soo qaaday arinta ayaa muujin baaxadda u leeyahay dagaalku iyo sidda ay wadamo kale ugu lug leeyihiin.

 

 

Hoos ka Daawo Sawirro laga soo qaaday Qabalaha Allaalee oo xili Roobaad ah shacabkii reer Guuraagga ahaa ee lagu soo duulay.

Sawirka Sitti post.

Sawirka Sitti post.

Sawirka Sitti post.

Sawirka Karam Ali.

Sawirka Karam Ali.

Sawirka Karam Ali.