Cundhufo, Cadhaytu Iyo Garbaciise?

 

Sadexda magaalo ee Cundhufa,Cadhaytu iyo garbaciise horta dadku siday uhaystaan maaha waayo inta badan dadkeenu waxay u arkaan sadex tuulo oo dhul saxara ah kuyaala lkn xaqiiqdu sidaas way kaduntahay.

3dan magaalo waxay kuteedsan yihiin ama kuuyaalaan laamadi isku xidha itoobiya iyo jabuuti waana 3 magaalo oo kufadhiya dhul baaxad balaadhan islamarkaana lafdhabar u ah isusocodka gaadiidka tusaale 85% waxwalba oo itoobiya usoo dagaya ama kadhoofaya wuxuu maraa 3dan magaalo, waana sabata iyadoo aysan jirin cid soomaali ladagta ama kudhexnool islamarkaana aysan sadexdan magaalo ahayn magaalooyin kuyaala gudaha canfarta ay taliskii TPLF uhoos geeyeen deegaanka canfarta sifo sharciga iyo caqligaba kabaxsan, ujeedaduna waxay ahayd in deegaanadan ay gacanta kudhigaan ganacsato buuralayda kasoojeeda iyagoo magac maalgashi adeegsanaya islamarkaana dhaqaalaha kasoobaxaya soomaalida laga ilaaliyo.

,,Sirkalena aan idiin sheego waxaa magaalada awash laga sameeyay hada kahor xarun loogu talo galay in shidaalkeena lagu sifeeyo kadibna dhuumaha shidaalku ay maraan awash ilaa jabuuti oo aan kuhoos jirin DDS,, Waa biyo kama dhibcaan midaasi.

Markii deegaan laleeyahay waa dhul lagu muransan yahay (disputed area) waa inay jirto cid wada dagta oo isku haysata ama waa in deegaankaasi uu maamul kale gudaha ugu jiro, balse sadexdan magaalo waxay kuyaalaan laamida waxayna masaafo ujiraan xuduudka soomaalida iyo canfarta ee wabiga awash, waxaana midaas daliil u ah in sadexdan magaalo aysan gudohooda daganayn cid aan soomaali ahayn islamarkaana aysan jirin cid dhanka dhabarka ee deegaanka soomaalida xigta dagan oo aan soomaali ahayn.

*Maanta sadexdan magaalo waaa laga saaray maamulkii canfarta ee sharcidarada kujoogay waxaana gacanta kuhaya dadka deegaanka walow ay ciidanka milatarigu joogaan hadana maaha deegaano canfartu shaqo kuleedahay, waxaana lasugayaa 1. In xafiiska nabadu uu soo jeediyo in lagu celiyo maamul ahaan deegaanka soomaalida iyo in afti laga qaado taas oo 100% lahubo inay guushu soomaalida raacayso maadaama nin aan kula daganayn uusan kugula tartami karin meela.

1. Ujeedada Weeraraka Cusub Ee Canfarta!
Maamulka canfarta oo kaashanaya TPLF iyo canfarta Eritrea waxay bilaabeen dagaal cusub oo qaab jabhadeed ah kaasoo intay soo duulaan sidhuumaal ah kuweeraraan xoola dhaqatada soomaalida ah ee kudhaqan duleedka magaalooyinka iyagoo isku dayaya inay dhanka dhabarka kasoo maraan islamarkaana tuulooyin canfar dagantahay kasameeyaan sifo hadii codbixin lasameeyo ay uhelaan meel ay kudoodaan ileen 3da magaalo midna madaganee! Waxaa arintan ufududaynaya ciidanka milatariga ah ee aagaas jooga kuwaas oo kagaabsada weerarada canfarta.

2. Ujeedada 2aad ee canfarta ayaa ah in dagaal cusub la abuuro si ay fursad ugu helaan in aagaas xaalad milatari lagu soo rogo oo soomaalida shacabka ah qoryaha looga dhigo kadibna ay fursad uhelaan inay deegaamayn kasameeyaan duleedka magaalooyinkan.

Nasiib wanaag Soomaalida Dhulkaas kudhaqani waa dad kadharagsan dhagarta lamaleegayo waxaana hubaal ah inay fashilin doonaan dhagarkasta oo loo soo maleego.

Fg. Meeshan kama socdo dagaal toos ah oo ciidan dawladeed ubaahan lkn waxaa loo baahanyahay in dadkaas aan dawo,cuno iyo nololba lamoogaanin gaadiidka caafimaadkana loo badiyo, Saxaafada itoobiya iyana waa inaan ka feejignaanaa in danbi aanaan lahayn dusha nalaga saaro.

Xigasho;SDM