Baroortu Orgiga ka Weyne Belaayada yaa Aloosay?

 

Nimankii TPLF ahaa dhufayskii ugu dambeeyay inay kasii baxayaanbay u badan tahay kadib jabkii ay canfar kala kulantay dagaaladii u dambeeyay.

Soomaalida iyo Canfartu awalba jaarbay ahaayeen, waa dad wadaaga diin oo labaduba waa islaam, Djbouti way ku wada nool yihiin oo xataa way dhacdaa inay is guursadaan, haddase dhibka ugu weyni wuxuu ahaa midhihii ay beertay dawladii hore ee belaayo fajaaska ahayd ujeedadooda ugu weynina ahayd inaan qowmiyadna qowmiyad kale la yeelan derisnimo wanaag oo la iskwada lusho. Iyakoo taas ka shidaal qaadanaya ayay hadhaagii TPLF wali sii dardar gelinayaan markasta oo ay tamar iyo xeelad u helaan inay huriyaan colaadaha noocaasa. Haddaba siday ugu suura gashay inay hawshan Canfarta iyo Soomaalida sii wadi karaan muhiimadooduse maxay tahay?

1- Waa mida koobaade meeshan waxay ka mid tahay meelaha ugu strategysan guud ahaan dalweynaha Ethiopia maadaama ay dekada ugu weyn ee wax ugasoo degaan lana rabo in shidaalka laga dhoofiyaa tahay Djibouti oo ay wada degan yihiin Soomaali yo Canfar. Haddii jidkaasi uu khalkhal galo sida ayaku ku riyoonayaan guud ahaan waxay muujinaysaa inay Oromo wax xukumi kari weyday wadankuna baaba‘ qarka u saaran yahay. oo macneheedu noqonayo kuwii naga dambeeyay waxba meesha kuma hayaane halaga gaaro intaanay wadanka kala dirin/burburin

2- Hadaba siday ugu suuragashay? waxay la yihiin jaar gobolka canfarta isla markaana qolyihii hore waxay ku haystaan maalgelin farabadan iyo isdhexgal u ekeysiiyay inay isku hal killil yihiin, markaana waxaa jiraya isku furnaan sirdoonkii u badnaa Tigrega iyo gobolka canfarta taasbaa sahlaysa in hawlgallo lagasoo abaabuli karo isla markaana laga fulin karo meelo kale sida galbeedka Sitti Canfartana loo tusi karo inay faaiido ugu jirto maadaama dhul ay ku helayaan

3- Waxaa iyadna aan shaki ku jirin in saraakiisha Militeryga Ethiopia ay ilaa maanta u badan yihiin Tigre, marwalbana iyakoo ka faaiidaysanaya habacsanaanta tmiday isbedelka dabadii ay u xaglinayaan siyaasadii hore ee xisbigoodii talada lagala wareegay, isla mar ahaantaana fashilinaya dawladan iminka talada haysa. Taas daraadeedbaad u arkayseen ayakoo u xaglinaya xagga canfarta

Guud ahaan waxaa dantu ugu jirtaa labada qowmiyadood ee wada degan ee islaamka wada ah inay derisnimo wanaag iyo nabad kuwada noolaadaan, agendayaasha siyaasadeed ee ay wataan qolyihii laga adkaaday marna wanaag umasoo sidaan shacabka masaakiinta ah ee dhiiggoodu ku idlaanayo iyakoo kuwa soo maleegayana aanu hal qof kaga dhimanayn colaadahaas.

Wallaahu Acalaa wa Aclam
Maxamed Sh. Cumar