Abwaan Maxamuud Ciise Sangub ayaa Maanta ku geeriyootay dalka Itoobiya

Abwaan Max’uud Cabdullaahi Ciise (Sangub)oo ka tirsanaa abwaaniinta ugu caansan Soomaalida ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Geerida abwaanka ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyey Abwaan Xirsi Dhuux Max’ed oo muddo dheer ay saaxiibo isku dow ahaayeen.

Abwaan Sangub oo mudooyinkan la xanuunsanaa cuduro kala duwan ayaa arrimo la xiriira caafimaadkiisa loo geeyey Magaalada Addis ababa oo saaka ugu dambeyn uu ku xijaabtay.

Marxuum Abwaan Max’uud Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa alifay riwaayado iyo suugaan fara badan oo iskugu jira wadani iyo Jaceyl kuwaasoo xiligii beri samaadkii lagu soo bandhigay Masraxyada dalka.