Akhrista Wanjaladda iyo been abuurka Canfarta oo Af Carabi ku Qornayd.

Ciidan hubaysan oo kasoo gudbay jabuuti dhanka Deegaanka Soomaalida oo dagaalo qorshaysan uu kuhayo muwaadiniin aan hubaysanayn wuxuuna ka furay.aag dagaal Deegaan ka cadwa ee Gawaani ee dhacdo koonfurta Deegaanka canfarta.

Waa turjumaad kooban oon KU sameeyay warka Afka carabiga kuqoran ee hoos ka muuqdo waxaana qoray waa Rag katirsan Qoomiyadda canfarta oo been abuur wado . Inta ay Afkoogaa iyo luqadaha kala ku qorayaan baa ka badan ee been-abuurka ah

Waxaan uga jeedaa, Deegaanka canfartu wuxuu diiday sharcigii Ethiopia ,wuxuu kusoo duulay Deegaanka Soomaalida , Jabhad ,Ciidan iyo shacab ba waxay iskusoo baahaysteen ay udhanyihiin inay Baabi’iyaan Shacabka Soomaaliyeed dhulkoogana la wareegaan , waxaa intaa udheer ay wadaan been iyo borobogaando ay dawladda dhexe iyo shacabkooga ugu tusayaan in iyaga lagusoo duulay si ay ukacaan duulaankana ugalaan

Hadaba Deegaanka Soomaalida waa lagusoo xadgudbay oo lagusoo duulay, waxaa si joogta ah loo laayaa shacab dhulkoogii deggan,waxaa la haystaa Dhul Deegaanka katirsan ay ciidamo iyo jabhado mamaul kala ihi haystaan ,hadana Ciidankii liyuuga ee Deegaanka Soomaalidu meelo gooni ah baa Dalxiis loo keenay inay Shacabka difaacaanna waa loo diiday ,waxaa intaa udheer canfari iyadoo duulaan ah bay TV yadeeda iyo idaacadaha kalaba ka hadashaa ay in iyada lagusoo duulay iska dhigtaa . Halka maamulka Deegaanka Soomaalidu uu wali ka dhuumanaayo inuu Afkaba Soo mariyo ama idaacaddiisa ka sheego in dhulkiisii lagusoo xadgudbay. Inay dawladda federalka sida uu sharcigu u ogolyahay uga hawlgalaanna maba muuqato ilaa imika.

(Dullinimo intaabaa ugu filan ragga shacabkaan matallaa leh )

Shacabka haloo caddeeyo inuu Gobolka Sitti Deegaanka Soomaalida ay Mustafe iyo Aadan kataliyaan kamid ahayn , liyuuga dalxiis ka Dhulka cidlada ah loo keenayna degdeg haloogu cesho xeryihii lagasoo qaaday, waana hubaal inay isxoraynayaan Shacabku iyagoon cidba wax ka sugin Haddii ay kamid yihiinnna Dhiiggooga daadani ee la iska indhatiri Laguna been abuurani si Kama dambays ah halasoo afjaro

Ragna duulaan xaqdarro ah iyo been abuur bay ku dhiiradeen , Ragna Isdifaacid sharci ah iyo Runta inay Afka soo mariyaan bay ka meermeeryaan . Waana taariikh qormayso

Turjumaddii;Laba-doon.