Sacuudiga oo maamulka Somaliland ku qasbay in warqad kasoo qaadato dowlada Soomaaliya.

 

 Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa shuruud hor dhigtay maamulka Somalialnd, taas oo la xidhiidha Xoolaha Soomaaliya ee sannadkan loo dhoofinayo dalka Sucuudiga.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Somaliland u dirtay warqad ay ku sheegeyso in warqadda caafimaadka xoolaha Soomaaliya ee xajka sannadkan ay bixineyso dowladda federaalka ah, halkii ay ka bixin jirtay Somaliland.

Wasiirka xannaannada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland ayaa sheegay in aysan aqbaleyn go’aanka dowladda Sacuudiga ka soo baxay.

Xoolaha Soomaaliya ayaa inta badan laga dhoofiyaa dekadda magaalada Berbera ee ay maamusho Somaliland, waxaana ay bixin jirtay warqadda caafimaadka xoolaha.

Sannadkasta ayaa xoolo malaayiin ah oo kala ah adhi, lo’,iyo  geel  loo dhoofiyaa Sacuudiga, waxaana dowladda Sacuudiga ay hadda go’aansatay in xoolahaas ay kala xidhiidho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Lama oga go’aankan Sacuudiga sida uu u saameyn doono xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga ee inta badan loo adeegsado udxiyada xajka kaddib.

Somaliland ayaa hadda wajahaysa laba darran mid dooro oo ah, inay hoos tagto Soomaaliya iyo inay waydo malaayiin dollar oo kasoo gali jiray dhoofka xoolaha nool.

Hoos ka daawo warka