Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska badda ee Soomaalia iyo Kenya.

 Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa qoraal ay soo saartay shaaca uga qaaday wakhtiga si rasmi ah loo dhageysan doono doodda dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay dhici doonto 9-ka illaa 13-ka bisha Sepetmber ee sannadkan 2019-ka.

Dhageysiga ayaa ka koobnaan doona laba wareeg. Wareegga koowaad ayaa la qaban doonaa 9-ka iyo 11-ka September. 9-ka oo ku beegan Isniin waxaa doodda maalinta iska leh Soomaaliya, halka 11-ka oo arbaco ay leedahay Kenya.

Wareegga labaad ee dhageysiga dacwadda ayaa dhici doona 12-ka iyo 13-ka September. 12-ka oo ku beegan khamiis waxaa hadli doonaa Soomaaliya, halka 13-ka oo Jimco ah ay hadalka leedahay Kenya.

Go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo dabayaaqaysto sannadkan.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday maxkamadda