Heshiis Kama Dambays Ah Oo Hay,adda ICEO Ee Maamulka Hawda Iyo Dawlada Soomaaliya Wada Gaadheen.

Xukumadda dawlada fedaraalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxeexatay Hay’adaha kala ah ICAO iyo IATA , heshiiskaa oo ku saabsan dakhliga ka soo xereedo hawada Soomaaliya, dhaqaalahaas oo toos ugu soo xeroonaya khasnada dawlada Soomaaliya bil ka dib sannadkan 30.07.2019.
Isla markaana waxay xukumadda fedaraalka Soomaaliya la wareegi doonta maamulida iyo mushahar siinta Shaqaalaha ICAO.
2hes
Waa markii ugu horaysay tan iyo 1991 ay Hawada Soomaaliya maamul iyo dhaqaale ba ay gacanta dawladda Soomaaliya dib ugu soo noqotay.
Maamulka Somaliland oo asbuucan rajaynaysay inay kulankii baaqday Kenya kula yeelato dawlada Soomaaliya ayaa halkaasi u dirsatay agaasimaha maamulka duulista iyo hawada si ay ula garanto qaybteeda dhaqaalaha ku dhacaya gacanta dawlada fedaraalka  Soomaaliya.
Dawlada Soomaaliya oo shirkii Turkiga ee 3 sanno ka hor maamulka Somaliland kula heshiisay in hawada dalka Soomaaliya laga maamulo Hargeysa ayaa markii dambe kaga baxday si toosna ula soo wareegtay.