Sawirro: Duulimaadkii ugu horreeyey ee Qatar Airways oo maanta Muqdisho yimid.

 Mid kamid ah diyaaradaha  Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeysay muddo sannado ah kadib ku timd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday  Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay  Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Soomalaia iyo masuuliyiin kale.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa duulimaadkeeda maanta waxaa saarnaa rakaab isugu jira  Soomaali iyo ajaanib waxayna sidoo kale ka qaaday rakaab garoonka diyaaradaha Aden Adde.

Qatar Airways ayaa toddobaad walba saddex jeer iman doonta magaalada Muqdisho iyadoo duulimaadkeeduna uu noqon doono Muqdisho-Doha iyo Doha-Muqdisho.

Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada dalka Soomaaliya iyadoo hore shirkadaha Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti ay hore uga howlgali jireen dalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah