Waxaa la hadal hayaa isku shaandhayn iyo is maamul Magaalooyin.

Waxaa aad loo hadal hayaa in dawlad Deegaanka Soomaalida si uu isbadilka qabyada ihi ucagadhigto shacabkuna marxaladdan uga gudbo, in isku-shaandhayn maamul iyo Maamul-Magaalooyin Cusub la ansixin doono oo iyagu iskood isku maamulo dhaqaale ahaan kanatissan Deegaanka

Hadaba Dhanka shaandhaynta maamulka (Haddii ay dhacdo) waxaan rajaynaynaa in Shakhsiyaad kuwa maanta joogo ka tayo iyo Dadnimo fiican shacabkana Daacad u ah oo musuq iyo ninjeclaysi ka madhan loosoo xulo Shacabkan wali aan oon-bixin

Dhanka Maamul Magaalooyin ka la hadal hayo (hadday hirgasho)Malaga yaaba in Saddexda Magaalo (Candhufo,Cadayti iyo Garba-Ciise) ay shacabka kudhaqan mudada 27 sano ah gabi ahaanba ka qatanaayeen Nolosha iyo dhammaan ba adeegyadii asaasiga ahaa ,lagana dhigay Shacabka aan Deegaan ba katirsanayn Dalkana aan waxba ku lahayn ?

Waxaan aaminsanahay inay Saddexdaa Magaalo ugu yaraan Haddii laba kamid ah Ismaamul-magaalo loo magacaabo inay dhaqaale ahaanna isbixinayaan dakhli buuranna Soo xeraynayaan , sababtoo ah waxay kuyaaliin wadada madaw ee dhuuniga Ethiopia oodhan kasoo dego waana goobo istiraatiiji muhiim ah leh oo Isla Dhulka ku hareeraysan iyo Shacabka deggan ee aadka udayacanna nolol iyo inay dhismaan uhorseedi doonto . Waa Haddii loo xisti baxo e

5Maamul Magaalo in la magacaabi baa loo badinayaa balse Magaalooyin ka ay ka dhigayaan iyo Qorshaha ay ku salaynayaan magacaabista maamul-Magaalooyinkan iyaa lagu kala ogaan doonaa inay tahay uun Gobolada nigu kacsan iskaga aamusiiya iyo noqoto raadkii Cabdi iileey ee ahaa kolba inta kuuu Hayb-dhaw uun Dhul-ballaadhin iyo Dhaqaale badin usamee ay tahay

Daacad iyo udanayn shacab hadday tahayse waa hubaal inay goobaha uqalmo una baahan dhaqaale iyo dib udhis in laga dhigi doono ay kamid yihiin Cundhufo Cadayti iyo Garba-Ciise . Waana Dhul cidhif ah oo Haddii la magaaleeyo Deegaanka iyo dadkaba badbaado iyo Dhuuni u ah.

Wariye;Laba-doon.