France ma laga raystay mise wa loo darsaday?

 

Dalka Jabuuti ayaa dhawaanta u dabbaal degay 42 jirka ka soo wareegay xilligi Fransiiska ku wareejiyay talada waddankaas oo u muddo 100 sano ka badan xoog ku haystay,

27.06.1977 ayaa loo aqoonsaday Jabuuti inay tahay Dal madaxbanaan oo leh Calan iyo Astaan u gaara leh. Jabuuti wa Dal ay wada dagaan Canfar iyo Ciise oo kahor gobanimada loogu yeedhi jiray Territoir Francais Afar et des Issa. Waxa lagu qiyaasa Bulshada ku dhawaad 8-9 boqolo kun. Magaaloyinka ugu waawayn waxa ka mida Jabuuti oo caasimada ah, Calisabiix, Dikhil, Tadjoura, iyo Obock
Waxa talada la wareegay Dawlad wadaaga oo ay ku wada jiraan Dadka degan , waxana hogaaminayay Allaha u naxaariste Al-xaaji Xassan Guuleed Abtidon oo noqday M/weynihi ugu horreeyay ee Jabuuti kaaso talada hayay ilaa 1999.
Burburki Somalia ee 1990 iyo riditaanka dawladi Itoobiya aya saamayn ku yeeshay jabuuti, 1991 ka qarxay dagaal sokeeye. Waqooyiga waddanka oo ay degaan Canfarta ayaa waxa ka bilawday jabhaddi Frud ee canfarta, dagaalka ma noqon mid sii daba dheerada nasiib wanaag waxa bilawday wada hadalo lagu soo afjarayo kuwaaso noqday midha dhal, waxana lagu heshiiyay awood qaybsi dheeli-tiran, waxana ka jiray Dalka wa jabuutiye nidaamki xisbiga qudha waxana loo gudbay nidaamka xisbiyada badan, 1992 waxa ka dhacday doorashdi ugu horreysay oy ku loolameen saddexda Xisbi ee RPP oo talada haysay hogaaminayayna Al-xaaji Xassan Guuleed Abtidon iyo PRD oo u hogaaminayay allaha naxaariste Maxamed Jaamac Ceelabe iyo PND oo hogaaminayay allaha u naxaariste Aden Robleh Awale, waxana ku guuleystay Xassan Guuled.
1999 waxa markale doorasho loo dareeray ku guuleystay M/Weynaha hadda haya IOG, markale 2005 ayu isu soo taagay wuuna ku guuleystay, inta wixi ka dambeeyay waxaw guda galay sidi markale oo 3ad ugu laaban laha, sharciga dalka u degsana waxaw tibaaxayay in laba mar ka badan lagu noqon karin waana la buriyay.
Suaashu waxay tahay 42 sano kadib miya laga raystay mise waa loo darsaday ? waana xubinteena maanta!

1. Dalka Jabuuti 1977ki waxa lagu qiyaasay 5-6 boqolo kun maantana 8-9 boqolo kun, micneheedu wa 3boqol oo kaliya ayaa ku biiray,

2. 1977 Jabuuti waxay ka koobnayd 3 degmo oo kala ah Boulaos, Rasdika iyo Balbala maantana wa 3di degmo.

3. Jabuuti 1977 waxa yiilay oo degsana Dastuurki fransiiska, waxaanse la ogayn in Jabuuti Dastuur u gaara degsattay iyo inkale, mana jirto Dastuur qoran oo meel yaal iyo cid ka sheekeynaysa.

4. 1977 Jabuuti ma lahayn Jaamacad ila haddana malaha, waxaan ka ahayn wax loo yaqaan Pol University oo ka dhigan laan Jaamacadaha kale ku xidhan ee Dal shisheeye.

5. 1977 Jabuuti waxa si fiican oo qurux badan u dhisna degmooyinka Rasdikka iyo Boulaos waana meelaha ay ku yaalan xafiisyada Dawlada, mana jirto wax ka cusub tan iyo fransiiska wixi ka dambeeyay oon ka ahayn dhismaha guryaha dadka shacabka dhistaan.
6. 1977 Jabuuti ma jirto hal dhismo oo cusub oo wasaaradaha dawlada oo la dhisay waxaan ka ahayn dhisme dhawr dabaqa oo wasaarada arrimaha maaliyada iyo warfaafinta lagu kordhiyay.

7. 1977 Jabuuti ilaa hadda malaha „Library,Bibliothek ama Maktabad qaran mana jirto meel loo raaco taariiqda Jabuuti.

8. 1977 Jabuuti waddooyin dhisan iyo jidad nidaamsan, gaadidka dadwaynaha waxay lahaayeen meelo laga rakaabsado ama lagaga dego, maanta adaa sheegi.

9. 1977 Jabuuti waxay lahayd 3 arrondissement oo saldhigyada Pilayska waxa ku biiray kaliya 2 arrondisement oo laga hirgaliyay balbala. Xaga saldhigyada ciidamada Gendarmerie waxa ku yaal ila 6 oo 5 kamida fransiiska ka tagay. Xaga Xeryaha Milatariga inta la ogyahay hal xero tababarada ah ayaa laga hirgaliyay magaalada Carta, inta kale fransiis ayaa ka tagay hadday tahay Cirka Badda iayo Dhulkaba.

10. xaga xaga nidaamka siyaasadeed maaha mid Sal iyo Raad la raaco leh, waxa wali dhisan nidaamki fransiiska oo waxa min caasimada ilaa gobolada ka jira wax la commisaria, waxa lagu kordhiyay wax la yidha Conseil Regional oo ah xildhibaanada golaha deegaanka, malahaan Dastuur iyo nidaam degsan, oo qeexaya shaqada iyo waajibaadka loo igmaday, waxaan ka ahayn Titel ama magac u yaal.

11. 1977 Jabuuti waxay ahayd 5 degmo oo kala ah Jabuuti, Calisabiix, Tadjoura, Dikhil iyo Obock, hadda waxa loogu yeedha gobolo, waxa ku biiray Carta, magac bixinta gobolada iyo waxa lagu saleeyay cid ka warrami karta ma jirto, balse waxaad mooda sheeko mirqaan, waxay ahayd in loogu yeedho gobol kasta goobta u ku caan baxay sida Caaray oo Calisabiixa, Cookaar oo Dikhila, Xayu oo Obocka.

12. 1977 Jabuuti waxay lahayd Tekad ama Marso waxa kusoo biiray tekada ama Mersada wayn ee dooraale, xaga Airport ama gagida diyaaradaha waa inti fransiiska ka tagey.

13. 1977 Jabuuti xaga guryaynta waxa la dhisay xaafada Cite Barwaaqo, Hodan1 iyo 2, iyo nasiib.

14. 1977 Jabuuti xaga warshadaha 42 ka sano ma jirto wax warshada oo la taaban karo oon ka ahayn warshadaha yaryar ee soo saara sida Biyaha, Roodhiga ama Furunka iyo Caanaha.

Qore;Macalin Bashir