Gumaysiga Qabyaalada oo si Baahsan ugu Fidaya Bulshadeena.

 

Waxaad moodaa in bahashii qabyaalada ahayd iminka uun boodhka laga jafayo, laga xaragaysiinayo oo halkii ay joogi jirtay meel ka fog lala tiigsanayo oo ayba qaan gaadhay!

1- Siday ahaan lahayd waxaa weeye in qabiilku yahay mid ku kooban magacaabista waaweyn ee hoggaaminta sare ee DDS iyo xisbigan talada haya, maantase waxaad moodaa inay ilaa heer qabalee socotay isla markaana aysoo dhex gashay xataa shaqaalaysiinta fursadaha shaqo ee boosaska shaqaale hoosaadka, taasbaana aad u wiiqday horumarka iyo dawlad wanaaga
2- Siday ahaan lahayd ee saxda ah marka aad la kulmayso masuul xafiis jooga inaad ula kulmayso adigoo muwaadin ah isla markaana aad dantaada ka dhammaysato adigoo muwaadin DDS u dhashay ah, hadda waxay u eg tahay in markaad masuul la kulmayso aad u qaabaysan tahay sidii shaqsi reer hebela oo la kulmaya masuul reer hebela, is ay taasi u dhammaystiranto waxaad ku khasban tahay inaad dhawr oday oo xaafada ah oo budhadh iyo koofiyado ku gaashaaman isku dubarido oo adigoo lagu moodo Qadaafi oo odayadii reerkoodu galabinayaan aad la kulanto kk
3- Siday ku fiicnayd waxaa weeye in Masuulka magacaabista ahi isku arko inuu dad oo dhan u siman yahay oo shacaboo dhan meesha u joogo, ee waxaad moodaa xataa markuu shaqsi la kulmayo inuu u arko inuu la kulmayo reer hebel, isla markaan jaawaabta uu siinayaa ay tahay jawaab ku haboon reer hebel ee aan shaqsiga toogada yeeshay ku habboonayn,
4- Haddii nin meel loo magacaabo su’aasha ugu horaysaa waxaa weeye Horta waa ayo? Waa qoladee? Deetana reer hebelka uu noqdaa aad u farxi oo is moodi inay reer hebelada kale wax dheer yihiin, gudahooda haddana haddaad u fiirsato waxaad arki iyakoo iskala xigsanaya, siday u socoto ilaa qoyska ugu hooseeyaa silsiladaa “anakaa haysanadu” ku shubaysaa, goor aan goor ahayn uunbaad arki wixii yoo qoys qoys loo kala fadhiyo, oo haddii inta laysku itaalaysto xurguf yari timaado waa uun laysku hurgufi
5- Xataa shacabkii baad moodaa bahashii inay xushay oo meel lagasoo qabtaa jirin, ninbaa maalin nin aad u dhaliilayay oo gebigiisaba kasoo qaaday inuu yahay waxaan jirinba oo reer qansaxna ku khasaareen, mardanbaa loo sheegayninku inaanu ahayn reerkaase uu yahay reer kale, markiibaa xagga kaluu aqriyay waa afar xiniinyood aan dabadii lahadal ,…iwm.
6- Hadduu nin masuula hadal meel ka jeediyo oo inyaroo caraatan kujirto waxaa la saari tafsiir, qolo waloo wax ka tabanaysayba waxay si ballaadhan u tafsiirin in masuulku iyaka ula jeeday, taa bedelkeeda haddii shaqsi oo shaqada xafiis hayo dhaliilo waxaa loo fasiri inuu ula jeeday masuulka reer hebel,
7- Inay bahashu ina xushay waxaad ku garan wax kale iska dhaafoo hadduu sheekh ama xeel dheere cilmiga diinta uu dad wacdiyo islamarkaana ay u bogaan wacdigiisa waxaad arki iyadoo la is warsanayo cidda uu kazoo jeedo sheekhu intaan horta wanaagiisa la sheegin.

Bahashaas malaha waxay ku fiicnayn inaynu habaar iyo inkaar iskugu darno deetana markay dhimato aynu aas qaran u qabano oo god kana ku shidno waliba