Dalka Canada Oo Ka Farxisey Dadka Kasoo Jeeda Qaaradda Africa & UNHCR Oo Shuruud Ku Xidhay.

Dawlada Canada Ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in sannadkii ay qaadanayso 350,000 oo soo galooti ah muhaajiriin fara badan kuwaas oo ay sannad walba qaadan doonaan.

Tiradii hore ee soo galootiga ee sannadkii ay Canada qaadan jirtay oo ahayd 310,000 ee muhaajirin ah ayaa haatan Canada waxay ku kordhisay 40,000 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo si xowli ah loo qaadi doono 3 sannadood ee soo aaddan illaa 2021-ka.

“Baahi weyn baa jirta oo aan u qabno dadka muhaajiriinta ah, taasoo qayb ka noqonaysa barnaamijka dhaqaalaha ee guud ahaan dalkeenna oo ay ka jirto hoos u dhac dhinaca shaqaalaha muruq maalka ah, iyadoo ay jirto sare u kac dhanka shaqaalaha sii gaboobaya” sidaa waxaa ii sheegay ‘Sky News’

Qorshaha ay sannado fara badan Canada ku qaadanaysay soo galootiga ayaa ka dhigaysa mid la tartamaysa suuqyada caalamiga ah, waxaana ay haatan qaadayso tallaabooyin dhowr ah oo la xidhiidha soo galootiga.

Waxaan intaas ku daray kodhoodhka qaxootiga imaanaya Canada ay u baahan tahay in kharash badan lagu bixiyo dhanka maalgelinta muhaajiriintaasi.

Sharci yaqaanno fara badan iyo rag ku takhasusay dhaqaalaha oo uu ku jiro la taliyaha dhanka dhaqaalaha ee xukuumadda Canada ayaa ku baaqay in dalku qaato qaxooti fara badan oo xitaa ka badan inta haatan la qorsheeyay.

Dhanka kale hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga ee UNHCR ayaa ka codsatay Canada in muhiimadda dadka ugu badan ee dib u dejinta loogu sameynayo Canada laga dhigo dadka dhibaataysan ee ka soo jeeda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.