Malagyadii Jinka noqday

 

Badanaa Rag xiliyadii marxaladda adag lagu jiray aad udadaali jiray oo kaalin mugleh oo aad loogu ammaani jiray kasoo qaatay Halgankii Barbaarta Sitti lkn markii Guushii la gaadhay ee Jagooyinka heer Deegaan, Heer Degmo la magacaabay Qandaraasna bilaamay kadib uun isku rogay Danaystayaal qabyaalaystayaal ilaa ay qaarkood gaadheen heer ay magaca Shacabka iyo Barbaarta wax badan ku cunaan balse ay qaarkood gaadheen inay Qofkii dhaqdhaqaaq iyo daacadnimo wado Bulshadana waxtar isleh ay isku dayaan inay uhanjabaan amaba cabsi-geliyaan si uu qofkaa uga joogsado Dadaalka uu wado maadaama ay Haddii uu waxtar ukeeno Bulshada uu iyaga maslaxxdoodii suququl gelini amaba ay waxbadan ay duuduub uqudhmistaan uu bannaanka usoo bixi . Kudarsoo Kuwan inyar baa xil hayso intooda badanna xil ay awood isku bidaan ma hayaane garab iyo rag kale iska iibin bay sidaa ufalaan

Qaarkood waxay soo ahaayeen ragga ugu fiican ee ammaanta loo tirinaayo igasoo gaadhi jirtay Barbaarta iyo shacabka gaar ahaan qaybihii Dirdhabe ka halgami jiray

#Badanaa Rag xiliyadii marxaladda adag lagu jiray qonyar socod ahaa Qabyaalad iyo musuqna saafi inay ka yihiin aan aaminsanayn lkn Markii maamuladii Degmooyinka lasoo dhisay Hal mar isku badilay macalimiin Sunka Qabyaaladda qaybiso ,Damiir liidasho awgeed na ka ficil qadhmuun Dadka jaahilka ah . Kuwani waxay aad ugu badanyihiin Degmooyinka Gobolka Sitti , qaarkoodna xil sare ay ku kibraanba looma dhiibin balse Madax-xafiiseed iyo dhaqaale hoosaad laga dhigay baa ula ekaatay in Boqornimo reerkoogu udoortay iyo xil aan dhammaad lahayn oo loo magacaabay, salbabakh Iyo naf ahaantooda oo marka horaba daciif ahayd darteed na is-xakamayn kari waayay oo xumaan iyo kala-soocis la dhex booday Dadkoogii iiyagoo waxna utarin abid

#Badanaa Rag xiliyadii marxaladda adag lagu jiray Bulshada laab-kicin jiray oo ciilka iyo murugada ay kujiraan uga hadlaayay si uu ay dantooda uga dhex bislaystaan lkn markii Guushii la gaadhay ee tixgelin iyo ammaan ka wayn la huwiyay Hal mar isku badilay Danaystayaal Qandaraas iyo xil aan wax wayn ahayn la shawakhay amaba hinaase ay waxa loo diiday ka qaadeen awgeed cabaad iyo karaamad darro lasoo baxay ,balse indha-daygooga hadana Isla Shacabkii ay shalay udhuunteen iskaga dhigaayo Halgamaa aan leecin oo Mar labaad Dib udhashay, kuwani waxay ubadanyihiin Duur-joog ama sidaad utaqaaniin Qurba-joog Kareem marsato ,inyar oo kuwaa la dhaqan ahna waxay dhex socdaan Maamulada Deegaanka Soomaalida ay sidii wax ku waaraayo ugu wayraxsanyihiin dantoda

Kuwii markii horaba qonyar socodka iska ahaa ee markay xil ama shaqo heleen iska danaystay la yaab badan male oo marka horaba Geesinimo iyo xidigo uu lahayn iskuma tixin , waxaanse aad ula yaabaa kuwa marxaladdii hora dadka ugu Qoor Dheeraa ee Geesinimo lagu xardhaayay , raganimo iyo xidigaha sarcaadka ahna iskusoo tixi jiray ee markay magac wanaagsan ay Bulshada kasoo dhex heleen Iyo fursad shaqo ama maamul isku heleen . Xaarka xajisan waayay ee noqday Hashii waxay soo daaqdo ay soo daashaba markay xerada timiday godlatee isnuugtay . ( Munaafaqnimo abid ma qarsoonaato. ) dheh

Sharaftiinii dhammaatay ,xilalka iyo danaha hoosana shaki la’aan way niga dhamaanayaan lkn Karaamaddiinii dib umasoo noqon doonto . Isdabaqabataa iyo iskusii qoysa aaba . Waa iniga . Shacabkuna isagaa Guulaysani doono

Qore;Nagayee Laba-doon.