Xeeladi iyo siddi loo Xabaalay xeebta Saylac !!

Waa maqaal dheer oo si faahfaahsan iyo xogo kaa dahsoonaa bada soo dhigaya waxayna xogtaasi ururinteedu qaadatay mudo dheer waxan go’aansaday in la helo xaqiiq dhaba oo farta toos ugu fiiqaysa dhibaatada aanay gobolada kale ee dalku la qabin Gobolka Salal taasoo siyaasiga, ganasadaha, aqoonyahanka, dhalinyarada, haweemka iyo cuqaashaba ka dhigtay kuwa dhufaana(aan miisaan lahayn).
QAYBTA KOWAAD.
Marka hore waa maxay macnaha magaca SALAL?
Magaca salal waa oday magacii!
Waa ayo odaygan?
Jawaabta su’aashan way cadahay.
Waxaan waqti ku bixinay inaan xaqiijino haybta odaygan, odaygan waa oday ciise ah waxaana keenay inaan xaqiiq raadino markii gobolka salal lagu dhawaaqay 2008dii waxa markiiba ka faaidaystay qabiil aan ciise ahayn balse hadh iyo habeen ku mashquula sheegashada taariikh kasta oo soo jireena una gaara beesh ciise.
Hadaan u noqdo haybta oday salal waxan mudo dhawr sanno ka soo wareegtay u safray magaalada biya qaboobe oo ka mida degmada Ayshaca ee gobolka Shiniile markaan gaadhaay tuuladii waxan tohoyday oday la ii tilmaamay magaciisa waa Siciid Cumar Axmed salal waxanan tilmaantan ka helay xeebaha saylac odayada ku nool ee ciise.
Siciid salaan iyo isbarasho kadib waxan waydiiyay abtirsiintiisa waaba isagii, waxan sii waydiiyay salal xaguu ku dhintay iyo goorma?
Intuuna iiga jawaabin ayuu aniga i waydiiyay su’aal ninwayn oo macqula”oo adigu waa kuma waa reerkee iyo ka kee? Waxaanan ugu sheegay si faahfaasan.
Siciid wuxuu si degan iigu sheegay inuu awawgii salal dhintay mudo ku dhaw 132 sano ka hor, wuxu raaciyay gugii uu dhintay”awawgay dhimashadiisii waxa ka soo wareegtay 131 ilaa 132 sano,waxay ahayd xays waa la qululay ingriiskii ayaa dhulka haystay waagaa duleedka meesha imika la yidhaa ceelgaal agteeda ayuu ku dhintay kuna aasanyahay waagaa lama qodin ceelka gaalku qoday ee ceelgaal la yidhaa uu kandambeeyay anigu laakiin waagaa ma dhalan ee waxan dhashay ceelka ceelgaal oo qodan.
Waxan waydiiyay ma maqashay gobolka aabahaa loogu magacdaray?
Intuu dhoola cadeeyay ayuu yidhi “adeer kuwii noolaaba imika nafkumahayaan halkaase maxayse qabani” waxan siiwaydiiyay wax mala idinka waydiiyay maya adaaba wax xagaa(saylac) ka socda iigu horeeya.
Halkaasi waxaa ku dhamaatay riyadii iyo sheegashadii gacan ku rimiska ahayd ee 10 sanno ka hor markii gobolkan lagu dhawaaqay beel kamida beesha samaroon warbaahinta afka beesha ku hadasha ku soo qortay inuu salal hayb ahaan ka soo jeedo beesha samaroon.
Su’aasha labaad ee in la cadeeyo iiga baahatayna waxay tahay:
Madaxweyne daahir rayaale kaahin inuu magaca salal bixiyo xaguu ka keenay?ayuu kala tashaday beesha ciise?siduu magacan ku helay horta?
Waa tan jawaabtii oo saxa!
Gobolka salal waxa la go aamiyay bixintiisa 1995kii.
Ayaa go’aamiyay?
Madaxweyne Maxamed Ibraahin Cigaal AUN ayaa maalin maalmaha kamida ku yidhi wasiirkii cadaalada s/land ee waqtigaa C/laahi Giire Rooble oo ku magac dheeraa jeex AUN jeexow ciise muuse(jilibkii madaxweynaha)waxay i waydiisteen gobol waanan siinayaa wuxu ku yidhi madaxweyne tolkay(ciise)ayaa u xaqle gobol in lasiiyo beelaha kale waxay leeyihiin gobolo uuna ka aqbalay waxa barbara loo bixiyay saaxil halka saylacna loo bixiyay salal.
Halkaa ayuu magacani ka soo galay siyaasada.
Waxaa Wasiirkii Giire jeex xiligaa loo sexeexay oo kale barnaamij horumarnta gobolka salal inuu la curto la qorsheeyay waxayna kala ahaayeen
• wado isku xidhaysa lowyacado iyo Xariirad inta udhaxaysa iyo gobolada kale ee dalka waxana dhismahan fulinaysay hay ad la odhan jiray SOS
• Mashruuca kale wuxuu ahaa dhismaha garoonka diyaaradaha ee Digool kuna yaala deegaanka jidhi waxana dhisaysay shirkad faransiisa.
Faahfahinta iyo cadaymahan arintaa cadayn waxaan ka helay gurigii allaha u naxariistee jeex Giire Rooble ee Booraame oo ay ilaa haatan yaalaan documentigaasi.
Mashaariicdani xagay ku dambeeyeen?
Mashaariicdii wasiirku wuxu safarkiisii ugu dambeeyay ku yimiday xeebta saylac taasoo xiligaa ay ka taagnayd qalalaase siyaasadeed oo ay jabuuti dabada ka waday kaa soo la dhex dhigay jabhadii ciise ee marka hore isku fikirka ahaa waxaana lagu fashinayay mashaariicdan iyo kuwa kale oo badan iyo danooyin aan la heli karin ilaa maanta
Oo maxay ahayd sobobta ay jabuuti u diidaysay barnaamijkan miyaanay rabin horumarka deegaanka?
Jabuuti ujeedada koowaad waxay ahayd in ceelka batroolka ee shefrolka ka qodaysay bariga tuulada ceelgaal oo qodistiisu dhamaatay in aanay gacanta u galin maamulka SNM oo dawlad samaystay wasiir jeexna aad ugu nuglaa muraadkiisa ku aadan horumarinta gobolka salal u ogolaa inay u fuliyaan.
Jeex markii uu xeebta marayay wuxuu siday wajigii koowaad ee dhismaha garoonka jidhi waxaana la bilaabay banaynta iyo xaadhista garoonka kadib waxa casuumad ugu fidiyay jabuuti masuuliyiin kamida madaxda maanta ee dalka jabuuti waxa la dejiyay hotel Sheratton jabuuti.
Jeex waxa loo sameeyay qaabilaad fiican waxa la siiyay lacag laakiin ujeedadeeda waxa fahmayay ninkii bixiyay oo kaliya, wasiir jeex waxa lagu yidhi waxad noo saxeexdaa in ceelka shidaalka jabuuti lagu wareejiyo maamulkiisa isaguna waa jeexe jabuuti iska joogo xilka uu doonana ka qabto?
Wasiir jeex aamus dabadeed waayo ayuu raaciyay waxa lagu yidhi isaaq dawlad manoqonayo waxba haku daalin ee sidaa yeel ?
Wasiir jeex arinkii uu diiday waxana dhacay ismaan dhaaf iyo hanjabaad jeex soo gaadhay, gaadhigii uu watay waa lagala hadhay waxa la soo baxsaday niman ciisa ah waxaana lagu soo qaaday aadhi rakaaba ilaa lowyacado halkaasoo uu gaadhi ka sii qaatay ilaa caasimadii hargaysa.
Jeex markii uu mudo hargaysa joogo madaxweyne cigaalna diyaariyay ku dhawaaqista gobolka salal miiska madaxwenaha yaalaan docummentigii waxa dhacay waxaan wax intii waday mooyee qof kaloo ogaa aanu jirin haba yaraatee?
29/03/1995kii maalin khamiisa salaadii maqrib kadib waxa la toogtay alla unaxariistee Wasiirkii cadaalada s/land Cabdilaahi Giire rooble.
Cidii aragtay maydka wasiirka waxay sheegeen arin shiki gelisay inuu jeex ku dhintay rasaas wajiga kaga dhacday kuna dhiftay askari taagnaa baanka dhexe ee Hargaysa hortiisa, wuxu jeex markaa ka soo kacay kana soo cadhooday shir odayaal ciisa ah oo ka yimiday jabuuti ugu yeedheen warar ayaa jiray sheegaya markaas in uu wasiirku  marka la toogtayba mayd ahaa waayo askari la socday majirin dirawalkuna wuxu ahaa nin samaroona gaadhiga waxa lahayd gabadh ciisa ah oo reer Booraame ah oo dirawalku walaasheed qabay.
Intaa ayaan ku soo koobayaa qaybta koowaad ee war bixintan.
Waxaan maqaalka kan ku xoga ku gudo galaynaa siyaasada dhaqan dhaqaale ee Gobolka la dulmay ee Saylac anagoo meel kasta oo arintaasi nala gashay ka soo fiqi doono.
Fiiro gaara hadii aad haysaan talo iyo afkaar la xidhiidha waad noo soo diri kartaan .