Magac badane miyuu Calamo batay ?

Deegaanka Soomaalida ee maamulka ahaan hoostago Dawladda federaalke Ethiopia , waa Dhul aad ubaaxad wayn ay ku noolyihiin shacab lagu qiyaaso 8 ilaa 9 milyan (inkastoo tirakoob buuxo lagu samayn) shacabkaa waxay wadaagaan Af ,Dhaqan Diin iyo Dhul ayna Qoomiyado Kali kala qoqobin amaba udhaxaynin . Waana nimcadaha ilaahay Dadka Soomaaliyeed ee Bariga Africa deggan ku mannaystay ,caalamkuna u arko (Dad Af ,dhaqan ,Isir iyo Dhul ay qoomiyado Kali kala qoqobin ah inay Soomaalidu) tahay mucjisooyinka dhifka ah ay umadaha caalamku isku helin astaamahaa oodhan
Hadana Deegaanka Soomaalidu hadaan si gaar ah u eegno waa Dhul aad ubaaxad wayn ay degganyihiin Hal Qoomiyad oo Soomaali ah wax walbana ka siman Mana jirto Deegaano kale ama Qoomiyado kale oo kala qoqobo . Nasiib darro se Guumaystayaashii Ree Yurub iyo kii Abysiinaya ee kala qaybiyay Shacabka Soomaaliyeed iyaa intii Hal Deegaan oo Soomaali ah inay noqoto loo qorsheeyay ula bexeen Guumaystayaashaasi magac kala duwan oo qaarkood loola jeeday gobolo gooni ah qaarna Deegaanka oodhan loola jeeday tusaale ahaan (Ogaden ,hawd and reserve area, Kililka 5aad, Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, )
Hadaba Shalay inagoo Hal Dhul Iyo Hal dad haddaan la tawakhsanayn magacyo badan ay Guumaystayaal inoola bexeen qaarkoodna magacdaa aan si wayn u adeegsannany . Suaasha aan iswaydiiyay een qormadan yar uga socdo iyaa ah.
Tan iyo 1993 dii oo lanoo aqoonsaday inaan noqono Ismaamul hoose oo katirsan dawladda federalka Ethiopia. Yeelanayna Calan iyo Dhul xuduud seeraysan leh Waxaa jirto inay samaysmeen Xisbiyo siyaasadeed oo tiro badan Kuna hirdamaayay/hirdamaayo talada Dawlad Deegaanka Soomaalida Xisbi ama urur walbana sida caalamkaba ka jirto wuxuu samaysatay Astaan ama calaamad ugaar ah oo lagu garto balse Ururada ama xisbiyada qaarkood baa iyagu Astaan ama calaamad ka dhigtay Calamo aan ahayn Kan Deegaanka ,ahaynna Calaamad midabo uun ah . Hadana Ururadaa iyo xisbiyada qaarkood waxay qaateen Mabd’a gooni isu taagga ah (sida Ururka ONLF) ay doonayeen in Deegaanka Soomaalidu ka madax banaanaado Dawladda federaalke Ethiopia waana Mabd’a aad uwayn Haddii ay shacabka Soomaaliyeed uhirgali lahaydna Qaran-nimo heli lahaayeen . Isla Ururadaa Mabd’a gooni isu taagga qaatay waxaan iska waydiiyay Mar haddii ay Isla Deegaanka uun tahay waxay xornimo udoonayaan maxaa sababay inay Calankii Astaanta Deegaanka Soomaalida ahaa maahine mid ka duwan usamaysteen amaba ugu yaraan maxay usamaysan waayeen midabo calaamad unoqdo Ururkoogan wayn?
Sidoo kale Ururada ama xisbiyada Cusub ee dhawaan samaysay (sida Dulmi-Diid ama Jidwaaq. sida loo yaqaano)iyaan iswaydiiyay Mar haddii ay Isla Deegaanka Soomaalida uun qayb kayihiin maxaa sababay inay Calan gooni ah samaystaan iyaduu Deegaanku Calan leeyahay?
Ma waxay ka dhintahay Ururadaa iyo xisbiyada kale qaarkood ee Calannada xardhaday inay u ololaynayaan Dhul Iyo Dad aan Calan iyo astaamo caalami ah lahayn mise waxay u ololaynayaan Isla Dhulkaa iyo Dadkaa Soomaaliyeed ee Calanka Qurxoon leh?
Hal Qoomiyad baan nahay oo Hal Calan iyo Dhul midaatay leh una taagan. Haddii aan Ethiopia ka xoroobayno iyo Haddii aan ismaamul ahaanteenna utartamayaan ba Waa Xisbi ama urur walba Mabdi’iisa waana wax loo baahanyahay kala Mabd’a duwanaashuhu lkn Uma baahnin Inaan Calamo badan usamayno Hal Deegaan oo xataa ahayn qoomiyado kala duwan oo kala xoroobi
Calamada iyo astaamaha aan soo qaatay waa Ururada ama Xisbiyadii Deegaanka Soomaalida (badankoogii) iyo astaamaha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland iyo isbaahaysigii mucaaradka Jabuuti USN oon usoo qaatay tusaale inaysan Calan kale ka ag-tolanin Calankii Dalkooga balse sida Ururada iyo xisbiyada Caalamka astaamo uun yeeshay
Waa Aragtidayda iyo dareen aan qabo uun ee Ururada ama xisbiyada aan xusay ama Astaamohooga tusaalaha usoo qaatay midna ujeedo gaar ah ama xumayn ah ulama jeedo.

Qore;Nageyee