Wax ka ogoow magacda shacabka reer Sitti ee ka buuxa jeelasha kililka Canfarta.

Ciidanka loo yaqaan Feedaraalka Itoobiya iyo kuwa kale lagu magacaabo Makakaliyaha ee ku sugan galbeedka gobolka Sitti ayaa sannadihi la soo dhaafay qayb wayn ku lahaa gumaadka shacabka reer Sitti iyagoo garab iyo gaashanba u ahaa ciidamadda Liyuu booliska is maamulka Canfarta ee duulaanka joogtada ah ku soo qaada shacabka aan hubaysnayn.

Sahacabka masaakinta ah inti ku dhimaday rasaasta ciimada Liyuuga booliska Canfarta iyo kuwaa ku dhaawacmay  ka soow waxaa jira tira door ah oo ay ciidamadda fedaraalka Itoobiya ka qaadeen magaalooyinka Gar-ciise,Cundhufa,iyo Caydaytu una gacan gasheen is maamulka Canfarta dadka oo la sheegey in lagu hayo goobo kala duwan oo ay jirin cid ka war haysa xaalada guud ee ay ku sugan yihiin nolol iyo Geeri.

Tan iyo maalinti loo gacan gashay dawlad deganka Canfarta ma jirto wax cadayn ah in shacabka la hor keenay maxkamad si loogu soo oogo wixii ay dambi galeen shacabka waxaa ku jira dumar caruur leh rag waayeelo ah iyo qaar reer baadiye ah oo aan siyaasad iyo sababta loo haysto waxba kala socon.

Waxaa kalo jirta in ay dawlada deganka Soomaalidu ka gaabisay arinta dadka shacabka maxaa yeelay shacabkan waxaa degaanadooda ka qafaashay maaha ciidan Canfareed ee waa ciidanka Fedaraalka dalka Itoobiya,sidda daraadeed dawlad deganka Soomaa-State waxaa saraan masuuliyed ah in ay arinta shacabkooga kala xaajoodaan dawlada Fedaraalka ee Itoobiya oo iyaduu masuul ka ha dadwaynaha Itoobiya dhamaantood.

HOOS KA AKHRISOO MAGACDA MAXAABISTA,

Magacda Aabayaasha,

1.Cumar Fure
2.Cali Xusen Wadaad
3.Adan Xared
4.Xared Guleed Buuh
5.Buuh Ciltire Geele
6.Cabdilahi Xumad Dirir
7.Xusen Faarax Casoowe
8.Mahamed Faarax
9.Cabdi Cokiye Dharaar
10.Cusman Mire

magacda Hooyooka,
1.Xabado Caateeye wacays
2.Hawa Caateeye Xoosh
3.Cinab Rooble Ciid
4.Mako Buuh Cali
5.Dahabo Jaamac Rirash
6.Sacaada Maxamud
7.Nimco Cumar Rage