Ciidamo cusub oo Kumaandoos ah oo tababar loogu soo xidhay dalka Turkiga (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya oo mudo sannado ah tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa loo soo xidhay tababar, waxaana ciidankan la filayaa in dhawaan dalka lagu soo celiyo.

Ciidamadan Kumaandooska ee tababarka loo soo gabagabeeyay ayaa waxay tiradooda gaadheysa 330 Askar, waxa ayna ciidankan noqonayaa qeybtii labaad oo tababar kumaandoos ah loogu soo xidho Turkiga.

Munaasabada xidhitaanka tababarka ayaa ciidamada Kumaandooska Soomaaliya waxa ay kusoo bandhigeen dhoolo tus cajiib ah oo raali galinayay masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ku sugnaa munaasabada.

Dowlada Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawisa tababarada ciidamada kala duwan, waxaana Turkiga gudaha Soomaaliya ka furtay xidho weyn oo lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya .