Muuqaalka gabadhii looga shakisan yahay in ay fulisay qaraxii G/Banaadir iyo wareysi ay hore u bixisay.

 Illaa iyo hadda xogta la hayo waxay sheegeysaa in weerarkii xarunta gobolka Banaadir ay fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa war baahinta maxaliga ah u sheegay in Gabadha weerarka fulisay ay gacan ku siisay gabar kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay.

Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baadhin oo albaab gaar ah ka soo gala gobalka Banaadir.

Dad badan ayaan muuqaal ahaan arkin gabadhan, waxaana helnay wareysi ay ku dhowaad sanad ka hor siisay idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii loo magacaabay xilka agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir.

                      Hoos ka daawo wareysiga Basiira