Soomaali-State Oo Ku Gacansaydhay Digniinta Maraykanka.

 

Dawlad Degaanka Soomaali-State  ayaa si kulul u deedafeeyay qoraal ka soo baxay safaaradda dawladda Maraykanku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Qoraalka safaaradda ayaa muwaadiniinta Maraykanka uga digaya in ay u socdaalaan gobolka Soomaalida, haddii ay halkaasi taggaana halis u yihiin; kacdoonno dadweyne, falal argagixiso, qafaalasho iyo miinooyinka dhulka lagu aaso.

Maxamed Colaad oo arrimaha saxaafadda kala taliya madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa wargeyska Addis Standard u sheegay in xogta Maraykanku ku saleeyay digniintu tahay xogtii sanadkii hore ee rabshaduhu ka dhaceen Jigjiga iyo meelo gobolka ka mid ah, islamarkaana isla xagtaasi uun dib loo soo cusboonaysiiyay laakiin, xaqiiqada gobolka ka jirta ka duwan tahay waxa Maraykanku ka sheegayo.
Waxa uu sheegay in gobolku xasilloon yahay, islamarkaana xogta safaaradda Maraykanku adeegsanaysa tahay rabshadihii xilligii Cabdi Iley xukunka laga tuuray.