Xasuuqii Ayshaca August 1960!

SIQIIR IYO KABIIR AYSHACO NABAD KU SOO HOYATAY;
SAG-DHAXAY GALEEN BAY QUMBULAD SUN AH KU TUUREEN;
SURTAY WADA JAREEN WIILASHI TIMAHA SOHNAAYEE;
SULDAD XABASHIYEED NIMAY HESHAA WAA SAC KUU TALIYEE;

(XAAJI AF-QALOOC)

Ayshaca waxay ku taalla meel aanka fogeyn xadadka waddamada jaarka ee Jabuuti iyo Soomaaliya/Somaliland.

Waxay dhacdaa meel strategy ah oo ay iskaga gooshaan jidadka isku xidha saddexda waddan iyo waliba tareenka isku xidha Jamhuuriyada Jabuuti iyo Itoobia. 280 Km ayay bari ka xigtaa Caasimada DireDhaba, nolosha dadku waxay ku xidhan tahay inta badan xoolaha nool waxaa soo raaca ganacsi yaryar iyo beero aan badnayn. Cimilo ahaan waxaa lagu tiriyaa degmooyinka ugu kulul gobolka Sitti xilliyada kulaylaha ama jiilaalkii.

Guud ahaan xilliyadii ay waddaniyadu saaqday dhammaan bulshooyinka la soo gumaysan jiray,ee qaarada Afrika shacabka Soomaaliyeed waxay ahaayeen dad u hanqaltaagayay inay maruun ka hoos baxaan gumaysigaas, geyiga Soomaaliyeed daraf ilaa daraf waxaa is gaadhay dhaqdhaqaaqyadii da’yartu hoggaminaysay ee xorriyad doonka ahaa, degmada Ayshaca waxay ka mid ahayd goobihii uu ka soo alkumay halgankii ummada Soomaaliyeed ay usoo gashay sidii ay uga xoroobi layd gumaysiga. Waxaa ka dhisnaa Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed (S.Y.L) muddadii udhaxaysay 1943-1960kii walow ay wali ku hoos jirtay xukunkii macangaga ahaa ee waagaas ka talinayay Itoobia, hormuudna u ahaa boqor Haille Sellese, oo caan ku ahaa inuu dhiigga dadka siduu doono iyo markuu doono u daadiyo, inuu shacabka kala sarraysiiyo oo qaar uu ku wareejiyo hantida kuwa kale, asagoo bartimaameedsanaya dhulalka masnada ah ee beero qodaalka ku fiican, inuu ka qaado cashuur xad dhaaf ah oo beeraha iyo sarciga usoo go’a uu ku lahaay, in guud ahaan bulshadu aanay horumar samayn karin aanu asagu ka raalli ahayn, xakamayn saa’ida oo lagu hayay dadka muslimiinta ah gaar ahaan xagga waxbarashada, iwm.

Haddaba sannadkii 1960 markii Soomaaliya ay xorriyada qaadatay ayaa waxaa dabaaldeg ay caadifad wayn iyo waddaniyadi ku dheehan tahay sameeyay dhallintii iyo odayadii reer Ayshaca ayakoo la farxayay walaalahooda.Soomaliya ee ilaahay gumeysiga ka dul qaaday isla markaana rajaynayay inay ayinay ayakuna heli doonaan xorriyadaa mid lamida.

Boqor Xayle Sellaase ayaa arrintaas aad uga xumaaday isla markiiba waxaa loo sheegay in dadka la iskugu yeedho oo uu shirka dhici doono magaalada ayshaca boqorkuna soo booqan doono, waxaa lagu amray inay dadku yimaadaan magaalada xataa kuwa baadiyaha jooga, deetana qofkii soo gala magalaada waxaa loo diiday inuu ka baxo oo meelbaa layskugu geeyay, waxaa dhacday in ninkii qofkiisu soolaabmi waayay uu bal kadaba tagdhaho asagna sidiiyoo kale loogu diido inuu baxo, waxaa ciidamo xooggan laga soo diray Caasimada Diridhaba arrintaasu waxay socotay in muddo ah kadib ayay xukumadii xayle silase u gaysatay shcabakaas xasuuq iyo
gumaad ba’an oon loo kala aabo yeelin, layskuna dayay inaan hal qof ka bixin, tirade guud ahaan ku dhimatay waa la isku khilaafaa laakiin intii magaalada ku dhex dhimatay
maalintaas waxaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 300 ilaa 500 oo u badan odayaal, ganacsato, dumar iyo caruur, dambiga kaliya ee ay galeena ahaa iyadoo loo aanaynayay inay reer Ayshaca taageeren Soomaaliya.

Dilkii iyo xasuuqii AYSHACA wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd 13/8/1960 maalin sabti ah, dadkii lagu gumaadayna waxaa magaalada duleedkeeda meel la yiraahdo cawra-eeg looga qoday godad waawayn/xabaal wadareed oo illaa maanta ka muuqda Dadka intii ka badbaaday waxay ku baaheen banka Ayshaca oo lagala daba tagay weeraro kale oo ciidama laga daba diray sidaas baa dhulka loola simay Dagmadii Ayshica iyo dadkii kunoolaa.

Weerarkaa intii Alle ka badbaadshay waxay galleen magaaloyinka Cabdiqaadir(oo Soomaalia ah) iyo Calisabiix oo ka tirsanayd Jabuuti oo waagaas uu faransiisku guumaysanayay.

Tani waa tusaale kamida sida ay dawladihii hore ee Itoobiya ugu hayeen xasuuq, dil iyo dhac joogta ah bulshada Soomaaliyeed ee DDS Waana mid kamida xasuuqyadii ugu khasaaraha waynaa uguna caatada kululaa ee ay xukumadii Xayle Silaase soo marisay Soomaalida.

Waxaana loogu magac daray GAWDII oo loola jeedo gawdii madaaficda iyo banbooyinka ee ku cusbaa dhagaha shacabka reer Ayshaca.

Qore;Mohammed_SH_Omar