Dugsiga Farsamadda Gacanta oo Maanta la Dhagax Dhigey magaalada Ayshaca (Sawirro)

Bild könnte enthalten: 2 Personen, Personen, die stehen und im Freien

Waxaa maanta si qurux badan ugu qabsoomay munaasabadda dhagax dhigga kulliyadda farsamada gacanta iyo tecnolojiyadda ee magaalada  Ayshaca ee gobolka Sitti taas oo ay hirgalinaso ururka samalka ee Soogaadh oo ah urur ay ku midoobeen qurba joog ka soojeedda gobolka sitti.
Waxaa munaasabadda ka soo qayb galay,
Gudoomiyaha gobolka sitti mudane Cumar Cabdi Maydhane,
Gudoomiyaha hay Adda Soogaadh mudane Maxamuud Rooble iyo profeserro wax ka dhiga jaamacadda dalka Jabuuti,iyo  qurba joog qaaradda yurub ka timid iyo wakiillo ka socday ururka ramad ee ka hawl gala gobolka Salal.

Magaalada Ayshaca oo ah magaalo leh taarrikh fac wayn ayaa ku taal goob muhiim ah waxay noqotay halbowlaha talaabooyinka horumarka ee ka jira dalka Itoobiya.

Geesta kale dhagax dhiga dugsigan waxay ku soo beegan tahay xuska xasuuqi magaalada Ayshaca ka dhacay oo ku beegnayd 03.08.1960-kii taarrikhda madoow ee boqorkii Hayle Salaasee ka geystay magaalada.

Bild könnte enthalten: 1 Person, sitzt

Bild könnte enthalten: 3 Personen, Innenbereich

Bild könnte enthalten: 8 Personen, Personen, die lachen, Personen, die stehen und im Freien

Bild könnte enthalten: 14 Personen, Personen, die lachen

Bild könnte enthalten: 2 Personen

Bild könnte enthalten: 11 Personen, Personen, die sitzen

Bild könnte enthalten: 8 Personen, Personen, die sitzen und Innenbereich