Sannad Kadib Dhiigii Ku Daatay Magaalada Jigjiga iyo Sidii Loo Tir tiray!

Waxay Aheyd Subax Aysan badi dadka qabin Dareen ah in Arbushaad iyo Maamulkii jiray la mijo xaabin doono,Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaana kasoo kabatay Bilo kooban isbadelkii dhacay.

Madaxweynihii Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley?ayaa waxa laga inqilaabay Maamulkii muddo Saacado ah oo la is hayey.

4 Augusto 2018-kii Hal sanno ayaa maanta laga joogaa wixii ka dhacay magaalada Jig jiga,Saacado ayuu isku dayey inuu ka hor yimaado Amarkii Dawlada Federaalka Itoobiya sameysay.

Waxay sabab ka dhigtay in ugu dambeyn is casilay Cabdi Maxamuud Cumar,oo ay Ciidamada Itoobiya Xabsi guri geliyeen ka hor inta diyaarad aysan Adis ababa ula duulin.

Xubno katirsan Maamulkii Cabdi Cumar ayaa lala xidhay oo Xabsi ku yaalla Magaalada Adis ababa lagu riday Xukun.

Dawlada Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa garwaaqsatay in Ciidamo Awood leh geyso Jigjiga,jawigii kacsanaa ayaa todobaad ay qaadatay in dad xuurteysnaa ay mudaaharaad ka qeyb galaan.

Dhalinyaro la sheegay inay katirsanaayeen Ururkii HEEGO ayaa Weerar isir naceyb ah ku dhaqaaqay oo ay gubeen Kaniisad,lacag Banki taallayna qaatay markii ay jabsadeen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa awood isticmaalay si ay xasiloonidii dib usoo celiyaan,waxaana la qab qabtay tiro katirsan ay banaanbaxayaashii Arbushaada sameeyey.

Bilo kadib waxaa la magacaabay oo ay xisbiga Deegaanka ay Madaxweyne udoorteen Mustafa Cagjar oo qurba joog ahaa,isagoo soo dhisay Xukuumad ubadneyd Qurba joog.

Sannad ayaa laga joogaa maanta dhibkii dhacay oo ay Jigjiga kasoo kabatay dhiigii daatayna ay Dawlada ku xalisey in Nabada ay muhiim utahay in laga wada shaqeeyo.

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loo badalay Soomaali.State ayaa maanta kusoo beegtay Sannad kadib dhibkii dhacay Shirweyne watashi ah oo ay yeelanayaan Labo Maalmood Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Ee Dhowr jeer dagaalamay.