Toogasho ka dhacday Goob Ganacsi oo kutaala magaalada El Paso (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan ayaa toogasho dad fara badan lagu dilay ka geestay xarun caan ah oo laga dukaameesto oo kutaala magaalada El Paso ee katirsan gobolka Texas dalka Mareykanka.

Booliiska magaalada ayaa sheegay nin dhalinyaro ah oo qoray ku hubeesnaa uu rasaas badan ku furay dad ku sugnaa dukaanka Caanka ah ee Walmart, toogashadan ayaana dhalisay khasaaro aad u badan.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhintay ilaa 20-qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaadhaya 26-qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogahay ay kasii bataan.

Ciidamada booliiska ayaana gacanta ku dhigay ninka toogashada geestay oo lagu magacaabo Patrick Crusius oo 21-sanno jir ahaa, ninkan ayaana ahaa nin kamid ah cadaanka dalka Mareykanka.

Wali lama oga waxa ku kalifay ninkan dhalinyarada toogashada uu dadka badan ku dilay, saraakiisha booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baadhitaano ku aadan weerarkan dadka badan lagu dilay.