Qaab ay dawlada Fedaraalka si fudud ugu ogaan karto Shabaabka ku dhex jira oo lasoo bandhigay.

 Xoghayihii hore ee joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdisalaan Salwe ayaa soo jeediyey hab casri ah oo ay Dowladda Soomaaliya ku ogaan karto shakhsiyaadka Dowladda ka tirsan ee xidhiidhka la leh Al-Shabaab.

Salwe ayaa taladan soo jeediyey isaga oo tixraacaya in ay meel sare gaadhay cabsida ku aadan in xubno ka tirsan Dowladda ay Al-Shabaab u fududeeyaan weerarada ay ka geystaan Soomaaliya.

Mas’uulkaan ayaa ugu horreyn soo jeediyey in baadhitaan lagu sameeyo Sarakiishada Amniga iyo mas’uulyiinta kale inay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-Shabaab iyadoo loo marayo hab casri ah.

Salwe ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xidhiidh deg deg ah la sameyso Mareykanka iyo Dowladaha kale ee reer Galbeedka si looga caawiyo baadhitaankaas.

Wuxuu sheegay in baadhitaanka noocaan oo kale ah loogu talagalay in loo adeegsado Aaladda beenta kashifto ee loo yaqaan Polygraph, taasi oo sheegeysa qofka marka uu been ka sheegayo su’aalaga la weydiinayo.

Polygraph ayaa waxaa aad u adeegsada hay’ada dowladda Mareykanka, gaar ahaan kuwa amniga iyo sirdoonka

Aaladaas ayaa soo saarto inuu qofka been sheegayo iyo in kale marka lagu xidho oo baadhitaan lagu marsiiyo dadka looga shakisan yahay kiisaska Al-Shabaanimo.

Salwe ayaa farriintaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo u qornaa sidaan

“Dowladda Soomaaliya haddii ay dhab ka tahay shakiga in argagixisadu ku dhex jirto xafiisyada dowladda ha waydiisato Maraykanka ama saaxiibada kale ee Galbeedka in laga caawiyo sidii polygraph test (kashifaadda beenta) loo marsiin lahaa dhammaan saraakiisha amniga…”.

Tallada uu soo jeediyey Salwe ayaa hadal heyn badan ka dhalisay baraha Bulshada, waxayna dadka intooda badan ku tilmaameen inay tahay aalad loo baahan yahay marka la fiiriyo xaaladda uu dalka marayo  iyo shakiga ka dhashay qaraxii laga fuliyey Xarunta Gobolka Banaadir ee lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda Degmooyinka.

Aaladdaan ayaa Dowladda Soomaaliya ka caawin karto inay iska dhex saarto xubnaha xidhiidhka la leh Al-Shabaab maadaama uusan dalka laheyn sirdoonka awood u leh inuu xubnahaas soo ogaado.

Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir kadib ayaa waxaa batay shakiga ku aadan inay jiraan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab u fududeeyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.