Gacan ku dhiigle Cabdi Ilay Oo Dambiyo Cusub Lagu Soo Oogaayo Iyo Siday Wax Uga Jiraan.

August 11, 2019

33033 Dawlada Deegaanka Soomaalida (Soomaali-State)ayaa diyaarinaysa dacwad ka dhan ah madaxwaynihii hore ee deegaanka soomalida gacan ku dhiigle cabdi maxamuud cumar ( Iley ).
Dacwadan ay diyaarinayso xukuumadda deegaanka Soomaalida ayaa ah, dambiyo kala duwan oo isugu jira, Xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay deegaanka, jidh dilkii loo gaysday kumanaan maxbuus oo ku xidhnaan jiray jeelasha deegaanka gaar ahaan jeelkii caanka ahaa ee la odhan jiray jeel ogaadeen, kaasi oo ay ka dhacday jeelkaasi dil, jidh dil, kufsi iyo falal ka dhan ah bini-aadannimada, Iyadoona ay hay’adaha u dooda xuquuqul iinsaanka mudadii uu haystay cabdi maxamuud cumar deegaanka sida fiinta uga qaylyeen xad gudub yadii iyo gabood falyadii aan loo aabo yeelin ee qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka lagula kacay.
Dacwadaasi ayaa waxaa gacanta ku haya hadda xeer ilaalinta guud ee DDS, waxaana la filayaa in dhawaan loo gudbiyo xeer ilaalinta guud ee heer qaran, si dacwadahan ay qayb uga noqdaan kiiska lagu eedaynayo madaxwaynihii hore ee deegaanka.
Waxaa xusid mudan in dacwada iyo kiiska lagu soo oogay madaxwaynihii hore ilaa iyo imika ay yihiin kaliya dhacdadii ka dhacday deegaanka 4tii August 2018, Iyadoo wakhti xaadirkan xukuumadda deegaanku ku soo oogayso dambiyo kala duwan oo ka dhacay deegaanka oo lagu eedaynayo in uu masuuliyadeeda isagu lahaa cabdi maxamuud Cumar Cabdi Iley.

Dacwadan la sheegey waxaa wali ka muuqan oo meesha ka maqan in Cabdi Iley uu qayb ka mid ah dhulka Soomaali-Galbeed ka iibshay dawlad degaano kale sidda Canfarta iyo Oromadda dhulka Soomaaliyeed ay ku dhamaadeen umad Soomaaliyeed oo u sababteeda isaguu lahaa.