DAAWO: Kenya Oo Muranka Kiiska Badda War Kale Kasoo Saartay.

Aadan Barre Ducaale Oo ah Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay Muranka Badda Soomaaliya & Kenya.

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay inaysan marnaba gor gortan ka geli doonin taago ka mid ah Kenya in lagu soo xad gudbo.

Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya waxa uu cod dheer ku sheegay inay ku saxnaayeen mooshinka ka keeneen Kiiska Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Mar uu xafiiskiisa kula hadlayey Warbaahinta Maanta waxa uu sheegay Aadan Barre Ducaale inay Labada Madaxweyne Ee Farmaajo iyo Kenya ay muhiim aheyd inay is xaliyaan oo ay wada hadal Afrikada kale ugudbiyaan hadii ay is xalin waayaan.

Mr Ducaale waxa uu sheegay inay xaq uleeyihiin inay mooshinka si loo kala ogaado Caqabadaha jira oo go’aanka baarlamaanka iyo doorkiisa la helo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA