Mustafe Cagjar oo golahaWasiiradiisa ku sameeyey Shaandheeyn fudud.

 Waxaa tan iyo shalay nasoo gaadhay magaalada Jigjigga warar hor dhaca oo ku saabsan isku shaandhaynta xafiisyada heer deegaan walow ay socoto qorshaha iskushandhaynta loogu samaynayo oo aysan dhamaanin.

Waxaa wararka hor dhaca ah ee aan helay sheegayaan in xafiisyada qaar isbadalada ka jira ay yihiin sidan.

1:Wasiirka madaxtoyada DDS waxaa lagu daayay masuulki hore ee joogay mudane sheekh xasan Daadhi.

2:Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDS waxaa loo magacabay mudane Cabdiraxmaan Ciid Daahir oo horay ujoogay xafiiska Tvtka.

3:Wasiirka biyaha waxaa loo magacaabay mudane Craxmaan Axmed Hassan (hure) oo horay u ahaan jiray wasiirka ganacsiga DDS.

4:Wasiirka waraabka iyo dooxooyinka waxaa loo magacaabay mudane C/salaan qayo/Waxaa kaloo jirta xog ah in Qayo loo magacaabay Warfaafinta DDS.

5:Maareeyaha kuliya macalimiinta ee Dr.cabdimajid xusen waxaa loo magacaabay mudane Clahi Gasiila oo horay u ahaan jiray wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha dowlada.

6:Wasiirka xafiiska ganacsiga waxaa loo magacaabay mudane Bashiir Shaafi oo horay u ahaan jiray wasiirkii biyaha.

7:Wasiirka xafiiska waxbarashada waxaa loo magacaabay Faatax maxamed Fataax oo horay u ahaan jiray wasiirka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarowga masiibooyinka DDS.

8:wasiirka xafiiska jidadka waxaa loo magacaabay mudane Rooble Bucul oo horay u ahaan jiray maareeyaha Ttcda.

Inkastooy wali socoto iskushaan dhayntu waxaan rajaynaynaa in aan kolba wixii soo kordha aan idinla socodsiino iyadoo dhamaystirana aan idiin soo gudbino