Wax ka ogoow Mashaaricdda waawayn ee Sitti u Qorshaysan Sannadkan

Waxa aan halkan uga mahad celinayaa shacabweynaha gobolka Sitti oo run ahaantii nagarab istaagay sannadkii hore oo ahaa mid aan wada ogsoonayn. Caawa waxaan rabaa inaan idiin bildhaamiyo mashaariicaha ka socda gobolka iyo kuwa ka bilaabmaaya sannadkan.Waxaan idiin soo bandhigayaa oo kaliya kuwooda waaweyn

Goobta Ciddda fulinaysa,

1. Waddada Shiniile…Dirdhaba…….Federaal
2. Waddada Shiniile…Xaariso……Deegaanka
3.Waddada Afdam….Danlahelay..Deegaanka
4. Waddada Danbal….Dhuure……..Deegaanka
5. Dugsiga hoyga ee afdam….Deegaanka
6. Dugsiga sare ee Dhuure…Deegaanka
7. Dugsiga sare ee Mulli…Deegaanka
8. Ceelka Riigga ee Badhiweyn…Deegaanka
9. Laamayda Harmukaale….Jigjiga…Federal
10. Laamayda Biyogurgur……Biyoqaboobe..Adhagala…….
Xaariso…..Dhubti..Mille/canfar
11. Biyo galinta magaalada Biki…..Deegaanka
12. Iyo 50 in ka badan oo iskugu jira ballaadhin dugsi, xarumo caafimaad

               Waxaa socda,

1. Dugsiga sare ee Goota…..Deegaanka
2. Dugsiga sare ee Danbal….Deegaanka
3. Kuliyadda caafimaadka Erer..Deegaanka
4. Cisbitaalka sare ee Shiniile..Deegaanka
5. Kilinika Badhiweyn ee dagmada Erer……….Deegaanka
6. Biyo xidheenka qabalaha wiilo ee dagmada Danbal……Deegaanka
7. warshadda Timaadka ee Adhagaala

In shaa allah waxaan rajaynaynaa in sannadada soo socda aan ka fulino gobolka mashaariico waaweyn oo ay uhorreeyaan waddooyinku. Hiil iyo hooda shacabkuna waa midda aan sugayno.

Qore;Cumar Maydhane Gudoomiyahay Gobolka Sitti.