Madaxda Boqor Salmaan Qaabilay oo kornayl Muuse Biixi Laga Reebay.

Madaxda Boqor Salmaan Qaabilay oo Muuse  Biixi Laga Reebay
Boqorka Sucuudiga Boqor Salman ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ka reebay martida sannad kasta uu qaabilo. Boqor Salmaan ayaa qaabilay madax uu hoggaaminayo madaxweynaha Yemen oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta ka socday Jabuuti, Gini iyo dalal kale.

Warbaahinta Arab News ee dalka Sucuudiga oo baahisay dalalka ay ka socdeen madaxda uu sannadkan qaabilay Boqor Salmaan ayaanay ka dhex muuqan madaxda Somaliland iyo Soomaaliya waxaana xusid mudan in uu sannadkii hore ku jiray madaxweyne xigeenka maamulka Somaliland oo sidoo kale laga baahiyay muuqaalkiisa iyo war ku saabsan warbaahinta Sucuudiga.
Warbaahinta xukuumadda maamulka Somaliland ayaa dhawaan baahisay war ku saabsan in madaxweynaha Somaliland ka mid yahay martida Boqor Salmaan.

Sida ay Arab News baahisay madaxda uu qaabilay Boqor Salmaan ayaa kala ah Madaxweynaha Yemen Cabdirabbu Mansuur Haadi, ra’isal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, ra’isal wasaaraha Gini Dr Ibraahin KasuuriFofana, ra’isal wasaarihii hore ee Ciraaq Xaydar Al Cabaadi, guddoomiyaha xisbiga talada dalka Mauritius Mr Shaukat Sudhan, guddoomiyaha xisbiga People’s Justice Party ee dalka Malaysiya Anwar Ibrahim, ra’isal wasaare xigeenka Malaysiya Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail iyo guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalal kale muslim ah balse aan la xusin dalalka ay ka socdeen.