Dawlada Kenya oo ka walaacsan xaaladda Doorashada Maamulka Jubbaland.

Dowlada Kenya oo la tuhmayo in ay taageereyso in doorashada Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa qoraal ay soo saartay uga digtay Beesha caalamka in la carqaladeeyo hanaanka ay ku socoto doorashada Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada dowlada Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda ayaa lagu sheegay in qoraalada kasoo baxa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swam aysan u dhameyn wakiilada beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Wasaarada arimaha dibadda Kenya qoraalka ay soo saartay ayaa lagu taageeray Guddiga madaxa banaan ee doorsahooyinka Jubbaland, waxa ayna Wasaarada sheegtay in guddiga u hogaansameyn dalabyo dhowr ah oo ka yimid beesha Caalamka.

Qoraalka Kenya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya aan laga qeybgelin talada beesha caalamka marka laga reebo dalka Itoobiya oo  safaaradeeda nuqul kamid ah loo diray.

Dowlada Kenya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka inay ku taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorasho loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay.

Qoraalkan kasoo baxay dowlada Kenya ayaa u muuqda mid lagu taageerayo doorashada mugdiga ku jiro ee ka socota Jubbaland, waxaan Kenya garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay Axmed Madoobe oo dano badan ka dhaxeeyo.