Mudaaharaad Rabashado wata oo Ka Socda magaalada Laas-caanood. [SAWIRRO]

Banaanbax rabshado wata ayaa ka socda Magaalada Laa- caanood Ee Gobolka Sool,taas oo isku socodka Magaalada meelo ka mid ah hakad gelisey.

Dibad baxaan ayaa waxa inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay 3 Qof islamarkaana ay dhaawacooda ay hadda xaaladooda lala tacaalayo oo Cusbitaal la geeyey.

Shaag la gubay,Dhagax tuur iyo Dhalinyaro qeylinaya ayaana la arkayey,oo dibad baxayaashu dhigayeen,waxaana ay dadku ka cabanayeen,nin rayid ah oo dhawaan la dilay.

Dilkaas waxaa la sheegay in ay geysteen Ciidamo Boolis ah oo Howlgal ay wadeen Xilli Habeen ah ay toogteen,kadib markii uu baxsaday qofka la dilay iyadoo howlgalka uu socday lagana shakiyey.