DEGDEG: Qulqulaayin ka dhacay magaalada Diri-dhaba.

 

Waxaa Galabta Magada Ismaamulka Dire-Dawa Waxaa Dhalinyarada Xaafadaha Adiss-Kela Iyo Dhure-kela Ku Dhexmarey Dagaal Dhagax Tuur Ubadnaa, Kadib Waxaa Meesha Soo Gaadhay Ciidamada Dambi ka Hortaga (Adhba-batanaga).

Ciidamada Goobta Soo Gaadhay Ayaa Isla Markiiba Jidh Dil Ba’an Ugeystay Dhalinyaradii Goobta Gacan ka Hadalku Ku Dhexmarey Ee Ay Ciidamadu Goobta Ugu Tageen.

Waxayna Ciidamadu Xabad Nool Ku Dileen Allh Ha U Naxariistee Marxuun Suhayb Cali Baashe Oo ka Mid Ahaa Ciyaalka Xaafada Adiss-Kela, Halka Aabihii Oo Dhacdadan ka Godoodey Ciidamadu Ugeysten Jidh Dil Isla markaana Uu Koomo Ku Jiro Ilaa Saacadan Hada, Sidoo Kale Waxaa Jira Tiro Dhaawac Ah Oo Aysan Noo Suurogalin Inaan Xaqiijiyo.

Ciidamadan Oo Ubadan Qoomiyada Amxaarada Ayaa Markasta Si Sharciga ka Baxsan Ula Dhaqma Dhalinyarada Soomalida Ah Ee Magaladaasi Dire-Dawa Ku Nool, Waxayna Ciidamadaasi Mararka Qaaar Qaadaan Talaabooyin Ka Baxsan Sharciga.

/Faahfaahin Dheerada Nala Filo/