Jabuuti oo wali ka quusan la, guul daradi kursiga QM ee la siiyey dowladda Kenya.

Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Zyad Mohamed Ducaale,  ayaa sheegay in aysan wali ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya.

Safiirka ayaa sheegay in aysan is dhiibin dowladdiisu, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi.

‘’Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yidhi mudane Ducaale

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ‘’Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’

Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Danjirihu ma cadayn meesha u rajada ka rajain iyo waxaa u hadhay.