Deg Deg Ah; Baarlamaanka dalka Itoobiya oo Ansixiyay Sharciga Doorashooyinka.

(XeerNews24)

Kulan deg deg ah oo uu saaka yeeshay golaha baarlamaanka dalka Itoobiya ayuu goluhu ku ansixiyay sharciga diiwaangalinta asxaabta siyaasadeed iyo doorashooyinka Itoobiya oo ay baarlamaanka horkeeneen gudiga joogtada ah ee sharciyada.

Sharcigan cusub ee maanta baarlamaanku ansixiyay ayaa ah mid bayaan ahaan kudhaw kii hore balse lagu soo kordhiyay shuruudo dheeraad ah.

Guudahaan sharciga ayaa ah midka hagi doona dhamaan arimaha laxidhiidha abuurka xisbi siyaasadeed, sharci siinta, diiwaan galinta, qabashada doorashada iyo maamulka asxaabta siyaasadeed.

Qodobada ugu muhiimsan ee sharcigan cusub ku jira waxaa kamida in xisbi kasta oo heer qaran ah laga rabo 10kun oo xubnood siloo diiwaan galiyo, halka xisbiga heer deegaana laga rabo 4kun.

Dhamaan asxaabta siyaasadeed ee dalka ayaa laga bilaabo maanta noqon doona kuwo uhogaansama sharciga cusub oo isagu kala miiri doona.