Maxaa kasoo Baxay Shirkii Looga Hadlayey Isbadalka Ethiopia Ee Adis Ababa kasocday.(Sawiro)

 

(XeerNews24) Waxaa lagu qabtay Magaalada Addis Ababa Shir socday muudo labo maalmood ah (22-23 bishan) shirkaa oo ay ka soo qayb galeen Mas’uliyiin heer Caalami ka socotay oo ka kala timid dunida daafaheeda,

Shirkan oo Ahaa mid aad u balaadhan laguna qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada Addis Ababa Ayaa waxaa lagaga hadlayay Isbadallada Siyaasadeed ee ka socda dalkan Ethiopia sidii loo xoojin iyo qaabkii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan loogana midho dhalin lahaa,

Waxshirka ka soo qayb galay madax sar-sare oo ka kala timid Caalamka , Khubarro, Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin iyo madax horay uga soo taliyay qaar ka mid ah wadamada Africa, waxaana ka Ahaa madaxdaas. Madaxweyna hore dalkan Ethiopia Mr. Sahle-Wirk Zawde iyo Madaxweynihii hore ee Wadanka Koonfur Afrika Mr.Thambo Mbeki, iyo waftiyo heer sare ah oo ka kala socda Safaaradaha Waddammada Maraykanka, Jarmalka Yemen, Tuniisiya, iyo wadanka Aljeeriya.

Dhanka kale waxaa shirka goob joog ka Ahaa laguna marti qaaday (6) Xisbi Siyaasadeed oo ay ka mid Ahayd Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) waxaana goobta fadhiyay Hoggaanka Arrimaha Dibadda Diblumaasiyadd iyo Arrimaha Xidhiidhka Faderaalka Ee ONLF Mudane Xassa Macalin Muxumed, wuxuuna mudanuhu goobta ka jeediyay khudbad aad qiimo badnayd taabanaysayna dhinacyo badan oo khuseeya Siyaasadda Guud ee Geeska Africa gaar Ahaanna Siyaasadda dalkan Ethiopia,

Wuxuuna mudane Xassan Macalin, Si cad u qeexay Mawqifka JWXO ee ku aadan xal u helidda Siyaasadda murugsan ee ka jirta dalkan Ethiopia Isagoona carabka ku Adkeeyay in ay lagama-maarmaan tahay in la dhawro shuruucda dimuquraadiyadeed iyo midda wada noolaanshiyaha loona baahan yahay in lays ixtiraamayo si loo helo xal waara oo lagu dhisi karo hanaan dawladeed oo loo wada dhan yahay,

Gabagabadii shirka ayaa waxaa madasha uu shirku ka dhacayay lagu soo bandhigay dood aad u Adkayd oo aan horay Ethiopia loogu baran in laguna lafa guray kala guurka siyaasadeed ee ka jira dalkan Ethiopia.

Bashiir Hirmooge,