Hagar daamooyinka lagu sameeyay gobolka Shiniile.

Gobolka shinile waxa uu ka mid yahay gobolada DDS uu ka kooban yahay laakinse umada ku dhaqan hagardaamooyinka loo gaystay ma aha mid ka dhacay dhamaan deegaanka intisa kale
Waxaa la tirtiray oo gacanta loo galiyay dhulkii ay lahaayeen qoomiyado kale xuquuqdii ismaamul ee ya lahaayeen ayaa meesha laga saaray waxaa lagu tashaday in jiritaankooda la tirtio waxaana cadayn u ah sidatan
1. Gobolka shiniile iyo deegaanka oromada waxaa xarun u ahayd, deegaanka oromadana adiss ababa gobolka shiniilana diridhaba ka dib 1997 waxaa la go’aamiyay in maamulka oromada ay adis ababa ka baxaan oo ay u guraan naasarayt sidoo kale ay maamulka shiniilana ay ka baxaan diridhabe oo ay u guraan magaalada Shiniile. kadib doorashadi 1997 maamulki oromada waxa loo ogoladay inay adis ababa ku noqdan xafiisyadoodi . maamulki shiniilena ila iyo wakhti xadiirkan waxa uu gacanta ugu jiraa qoomiyadaha kale hantidii uu laha ee u taalay diri dhabe waa mid iyada dayacan waxan codsanayna haddi aan nahay qoomiyada soomalida lana xaquuq nahay qoomiyadaha kale in naloo soo celiyo xafiisyadayadi iyo hantidayadi diri dhabe
2. Dhinaca kale si magalada looga saro dadka degaan ayaa waxa xaduud ahayd dhaanka galbeed qabuur xabashii waa la raray waxa laga dhigay duroo keela waa la raray waxa laga dhigay dhagax jaabis ayay socota taasi oo dad qoomiyado kale ahna inta waa maal qabeeno la yidhaahdo la siinayo taasi oo xukuumadihii ka arriminayay deeganku ay ku balan qaaden inay tirtirayaan oo la doondooni doono dhinaca waqooyi waxay xaduudu ahayd gagada xoolaha ee saabiyan waxa maantana laa marinaya marmarsa booran inta la dhaafiyaya ayay jeedane iyo diinlay qabalayashii lala wareegayaa
3. Dhul dhan 300 km 3 magaalo 45 qabale ayaa loo saxeexay qomiyada canfarta dadki ku noolana wax au ku sugan yihiin oo rafaad iyo siliic mooyane cidna uma maqna sharci loo maray majiro oo itoobiya dhigtay
4. Aftidii ka dhacday dalka ayaa iyada oo dhulka intiisii badnay caasimadihii la qaatay ayaa hadan intii kaliya ee soomalidu isku urursatay laba meelod ayaa ugu muhiimsanaa magalada huda oo kaligeed ku taala jidka nageele iyo laamiga awaasa isku xidha iyo magalada hardin oo jidka laamiga ah ee harar ilaa iyo adiss ababa isku xidha wax soomaalida kaligeed ku taalo ilaa iyo waqtigan aan joogno shacabkaasi in isagana oromo lago gatto ayaa diyaar loo yahay jinacsani ayay u dhigantaa hardini oromana waxay tidhi anaga iyo canfar cidi nooma dhaxayso

5. Dagmada erer oo jidka isku xidha diri dhabe ilaa ma ayso ay oromadu inay qabale ama goob inay ku yeelato ku hungawday oo ay reeraha gurgure ay referadamkii uga dhananyeen ayaa si arrintaasi loo fuliyo nimanki dibucurashada loo gaystay waxay keenan warbixin oranaysa waar dhulka soomaaliba ma dagano ee dad oromo oo aanan afgaranayn taasi oo ujeedadu tahay in la googooyo la tirtiro umada kumool gobolka halka dadki maamulada ahaa ee u dhashayna ay naftoodii ku waayeen oo ay oromadu laysay sida hogaanki nabadgalyada allaha ha u naxariste Maxamed Girgire sida Ibrahim madaxii biyaha IWM
Umaddani waxa ay u bahan tahay gurmad soomaali oo dhan in loo soo celiyo xafiisyadoodi hantidodi dhulkoodi.
WAXA DHAMAAN LAGA TIRTIRAY DHAQAALIHII HA NOQOTO MID DAWLADEED IYO MID MASHAARIICEED MID HANTIYEED cadaymahooduna waa sidatan
1. Sida sharciga ah ee an la socono dakhli waxaa lagu qaadaa meeshaa uu ka bilabamayo hadaba air portiga diridhabe waxa uu ku yaala shiniile dakhliyada dawladeed ee laga xeraynayo waxaa gacanta ku hayay gobolka shiniile isaga iyo tareenkaba dawladihii ka arriminayay xaalad musuq darted ayaa waxaa lagu amray in dakhli lagu qaadi Karin airportiga diridhabe ee lagu qaado air portiga goday iyo qabridahar ilaa iyo imikana shaqaalihi way joogan waxana ma qaadaan sanadkiina lacag milyoonada ayaa halkaa kaga baaqata waa si loo tirtiro darted
2. Gobolka shiniile waa dalka itoobiya gobolka ugu biyo badan dhulka hoostisa hadaba si biyahaasi looga faa’idaysan ayaa mashaariicdii la odhan jiray SDG waqtigan xaadirka ahna la yidhaahdo MDG ayaa waxaa dawlada federalku qorshaysatay in biyahaasi laga soo saaro maashruca 1aad 2aad iyo 3aad oo ah biyo baxay biyo diidlay dawanle biyo garaac hadhagaala dhuure oo lagu bixiyay lacago ka badan boqolal milyan dhulka intaas leeg hal ceel oo biyo laga cabo maa jiro lacagtoodiina interperiska biyaha madoc federaalka xukumadii ka arriminaysay ayaa jeebka ku shubatay
3. Mashruuci 2aad ee meete xadhkaalay bisle oo ahaa inta qasabado caag la galiyay halki laga galin lahaa qasabado cast iron ah ayaa biyaha ayaa dilaacinaya qasabada madaama ay kulul yihiin inta la yidhi milyans lacaga lagu qaatay jeebkana lagu shuubtay reer bisle barakadii laga dhisay waxay u bixiyeen Rampuut uu ka dhigan sanamka gaalada marki ay meel kasta gadhay ayaa ceel biyo ay ka cabaan bisle loo qoday mashruucii beeraha xoolaha dad iyo duunyaba ay ka faa’iidaysan lahaayeena jeebka ay la gashaday waa xubno federalkii ah iyo xukuumadihi ka arriminaysay waqtigaas.
4. Mashruucii 3aad ee erer goota hula boora ilaa iyo biki isagana halkay kuwaasi mareen uunbuu maray qasabado daadku qaaday ayaad ka arki hula boora
5. Dalka itoobiya waxaan ka dhicin ayaa ka dhacay waxaa la gubay dhamaan hantidii ay lahayeen sida magaalada biki iyo gadhmalu iyada oo shay xataa lo ogolayn ay naftooda u xidhaan oo inta aqalka la galo sariirta firaashyada hoostooda calalka ku jira ku la iibinayo iska daaye inta laga soo saaro la gubayay taasi oo xubnihii ka hadlay oo laba xubnood ahaa waa Maxamed Xaashi iyo Maxamed Kaahin ahaa oo ka hadlayna waqtigaas in dalka ay ka baxaan laga dhigay qaarna ay dhuutaan.
6. Dhulka gobolka ku haboon waxsoosarka waa ilaa iyo 2 milyan oo hectar mashaaricda aan ka so sheekaynay kuwo waxa ku jira sida harawa gabi dhulkii in la beero ahayd waxa iyagana dhulkii loogu tala galay la siiyay niman cidamo iyo qoomiyada tigreega isugu jirana oo mid walba dhulkaas uu lacago boqolaal milyana u rahaamaday
7. Khayraadkii kale ee gobolku laha sida dhagaxaanta marmarka buurihii dhaga jabis waxa sidoo kale la siiyay alaamu diin buuruhii jibsonka ee dhagaxan sibidhka ee diridhabe iyo itoobiyada kale.
DHINACA SAD QAYBSIGA MAAMULADA AYAA SIDA AAN LA SOCNO AYAA SOOMAALIDU INTA AY FADHIISTEEN AYAA WAXAY KU HESHIIYEEN SAGAAL GOBOL,
Intaas kadib waxa xukuumadihii ka ariiminjiray ku dareen lix kawnsil iska daa in kawnsil la siiyee hantidii gobolku laha ayaa kawnsilka lacag looga dhigay waxaa la ansixiyay mar 2 iyo mar 16 iyo 25 dagmo marka la isku geeyo waa 44 dagmo cadaalad hadii loo qaybiyo gobolkiiba waa 5 dagmo qabri dahar 4 dagmo ayay ahayd maantana waa imisa dagmo gobolka 3 dagmo ayaa laga siiyay taasi oo gobolo kalena ay la qabaan dhawr gobol uunbaa tuushay waxaa la ansixiyay laba gobol oo cusub gobolku deegaanada ugu badan xuduud la leh weeyan ee ahaa in siyaasad ahaan iyo istiraatajiyad ahaanba in la adkeeyo saddex gobol oo oromo ah saddex gobol oo canfara ah. Soomaaliland jabuuti km uu ku fadhiyana ay tahay in hal gobol laga maamuli Karin waa mid u taala soomaalida,
Dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha
Waa gobolka kaliya ee in la tago loo baahdo aad sadex deegaana aad marayso taasi oo 100 biir aad ku tagi karto haddi deegandaas aad marto taasi oo dhibaato badani shacabka ka soo gaadho wadadi isku xidhaysay hadii inaa marto doonto iyadoo ka fogaan yar ayaa 300 birr iyo maalin badhkeed oo socoda wax jida oo marka laga reebo wadada danaha dakada jabuuti loo samaystay mooyaan ma jiro wado la tilmaami karo waxana la ansixiyay in mustaqbalka shiniile ilaa iyo nasarayd express way laga sameeyo taasi oo ay tahay inayna ka faa’iidaysan dagmooyinka gobolka shacabka ku nool wadadii caadiga ahaydna waa sidii talyaanigu ku ogaa

Dhinaca arrimaha bulshada
Caafimaadka
Gobolka intii uu diridhabe ahaa waxaa hospital u ahaa dajora hospital waa laga raray waa gobolka kaliya ee xarun gobo lee aan lahyn hospital biki ayaa mid aan funcational ahyn laaga dhisay oo adeeg health center oo kale bixiya xalkuna waa in xafiisyadii lagu soo noqdo diridhabe
Marka laga reebo gobolka Nogob oo cusub waa gobolkee gobolka xaruntiisu ay hospital ay tahay
Waxbarashada
Sanadkii 2000 ilaa 2001 dii dagmada shiniile iskoolada ku yaala dalka itoobiya kaalinta 1 aad ayay baxday taasi oo lagu soo shalimay waqtigaas xafiiskii waxbarashada dagmada hal iskool hoose dhexe oo standard ah oo kala baydh laga dhisay iyo iskoolka shinile oo preparatory loo dalacsiiyay intaasi wixii ka danbeeyay waxbarasho ma jirto gobolka dib u curasho ayaa la galiyay dhalinyaradii ka shaqaynaysay dad diinya iyo ilaaha cayaya iyo nasabka uunbaa la keenay iska daa waxay qabtane manta hal iskool oo ABE ah oo furani ma jiro.
Gobolka waxa ay u bixiyeen nimaanka haihgladersku zone Canada sabato oo ah macalin caafimaad shaqaale kale ee aan soomali ahay inta ay lacag yar bixiyaan ayaa lagu soo qori gobolka shiniile taasina haduu macalin yahay 2 sano marka u kula joogo kii dugsiga sare ahaana aad waxbarashanka bixiso wuxu ku wareegayaa/saa diridhabe iyo hayaduhii waxa uu noqday meel ay qoomiyadaha kale isku sheegan totally waxbarasho la tilmaami karo kama jirto

Dhinaca hay’adaha cadalada sida booliska
Waqtigii ugu horaysay ee xasan jire iyo dhalinyar badan ayaa gobolka la xereeyay oo aqoontoodi lagu qaaday kuliyada dalkana la galiyay kadib markii darajadii timiday ee dalacaadha ku aan waxan qorin kuliyad ka soo bixin ayaa korneel miiran la siiyay iyagii qaar washay iyo kuwo iskaga tagay iyo kuwo meelaha ku dhaadhamayay ayay isugu jiraan cadaaladna dibucurashadii ayaa ugu danbasay kolba kii badan uunbaa guulaysanaya.

Gabagabadii
Su’aasha meesha taala ayaa waxay tahay maxa umadan sidan loogu galayaa?
1. Madaama ay tahay umad wax fahmaysa in la tirtiro
2. In danaha musuqa ee deeganka iyo federaalka laga fushado hantidoodna la dhaco
3. In haddi uu goboka waxsoosar uu yeesho in dhamaan wax soosarka qomiyada oromada ee dhinaca jabuuti oon suuq kale lahayn uu joogsanayo maarkasina madaama xubnaha ugu sareeya ay ahaayeen qomiyada oromada la babiiyo mashaariicda horumarineed
4. In wadada isku xidha jabuuti iyo diridhaba ilaa maa’ayso oo 100% soomaali ah inay oromadu ku yeelato qabaleeyaal taasi oo ilaa iyo iminkana la wado
5. in dhaqalaha gudaha lagala dagalamo taasi oo ay cadahay waqti ay lahaayeen cabdi jibriil iyo c/kariin qaliinle oo ganacsiga ah si loo xakumin karo waa in dhaqalaha lagala dagaalamo oo faqiir laga dhigaa taasina gubis hantidoodi lagu bilaabay
6. in haddi laba gobol laga dhigo midna diridhabe laga maamulo mid shiniile in awood kale oo xilka ku dirqinaysa ay imanayso markaa ay ka haboon tahay in la tirtiro oo dhulka la qaybiyo
7. in xilka lagu dheeraysto iyadoo la isku macaanaynayo nimaanka heer federal EPRDF ka

xalka
1. in xafiisyadii gobolkii sida oromadaba loogu soo celiyay soo celiyay addis ababa in gobolkii shiniile bilaa gorgortan la soo celiyo
2. in mashaariicdaas umada loo dhamaystiro wixii la khaldayna laga saxo
3. in dhulka canfarta lagu wareejiyay in soomaalinimadodi madaama ay soomaali yihiin waa waxaan aduunka ka dhicini loo madaxbananneyo
4. in magaalada hardin ilaa madane loo ansixiyo dagmo
5. in dhulka faraha badan ee koreelada iyo maamuladii hore ee deegaanka hawliba heer deegan iyo gudiga fuulinta ay iska xidheen ama nimaan lagu magic dhawday in dhul dawladeed loo aqoonsado iyadoo dadka si dagan look ala saaro
6. in dakhliyadii sharciga lagu soo celiyo
7. in maag dhaw la siiyo dadki hantidoodi la gubay iyo lacgtodiina la qatay
8. in dagmooyinka ka maqan gobolkaloo ansixiyo
9. in hantida uu federalka lagu boobay magaeeda sida ay qoomiyada oromaduba mashaaricdii laga cunay ay u daba socoto inaan mashaariicdaas hantidoodi xubnihii sharciga loo waafajiyo
10. in khayraadka sida jibsanka iyo marmarka iyadoo sharciga itoobiya la raacayo in deeganku maamulo.
11. Madaama uu masuulka ugu sareeya tareenka jabuuti iyo diridhaba ay lahaayeen ilaa abid soomaali in kursigaas gorgortan la galinin
Waxaad is waydiin waar dad ka soo jeeda oo xukumada gudiga fulinta xisbiga ugu jiray dadkan miyayna jirin way jireen ayay ahaayeen
1. Aadan Faarax mashaariican hantidooda la lunsaday xubnihii dabagalayay ayu ahaa madaxwayne ku xigena wuu ahaa
2. Xasan biyoole arrinta dakhliga xafiiska dakhliga isagaa haystay warqad wuu qoray oo wuu isku dayay laakin daantiisu ka raacay waa wakhtigi daa’uud wakhtigi illay
3. Dhulka diridhaba ha noqoto kani canfarta raga saxeexay aadan faarax iyo cabdi xakiin cigaal iyo
4. Dadka gubayay hantida cabdi jibril allaha unaxariste jaamaac cabdi jibril
5. Dadka markii ay isku dayeen maamulka shiniile inay bal xarumo boolis ka dhistaan xaduudahooda ciidii soo weerartay ibraahim gurgure hooganka nabad galyada ayuu ahaa ninkii dugsigii uu isagu xakumayay ee booran markii uu shiniile ahaa iyadoon bili ka soo wareegin ninkii waa diridhaba lahaa Aadan faaraax ayuu ahaa.

Qore;Adam Alaale