Kornayl Muuse Biixi oo qaab seedinimo loogu soo dhaweeyay Jabuuti (aaway calanki Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Wafdiga uu hogaaminayay Muuse Biixi waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabduqaadir Kaamil Maxamuud iyo Masuuliyiin kale oo Jabuutiyaan ah.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay qasriga Madaxtooyada Jabuuti, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadalo la qaatay Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wafdiga la socday, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo badan ay kamid yihiin xoojinta Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland.