Midawga Africa Oo soo Faro-galinaya Muranka Badda Soomaaliya.(Akhriso War-saxaafadedka)

Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Ururka midowga Africa ayaa soo fara-galiyay muranka dhinaca soohdinta badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,iyagoo qoraal ay soo saareen dhinacyada ugu baaqay in xal laga gaadho.

Qoraalka golahan ayaa waxaa uu ka dalbaday dhincyada Soomaaliya iyo Kenya si nabad iyo wada-hadal ah lagu xaliyo muranka xudduuda Badda ee labada dal.

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u magacaabo Ergey gaar ah oo dhinacyada kala shaqeeya sidii loo heli lahaa degenaansho, xal nabdoon, wadatashi iyo wada shaqeynta qaababka gobolka la xirdhiidha

Warkan ka soo baxay Golaha Amniga midowga Africa ayaa ku soo beegmay xili Maxkamada Cadaallada ICJ ay muddo Labo bilood ah dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Labada dal.

Tallaabada golaha ayaa muujineysa in Kenya horey usii ogeyd go’aankan marka la eego inay horey u codsatay in kiiska maxkamadda dib loo dhigo, taasi oo ay ku guuleysatay, waxana muuqata inay dooneyso inay ka faa’iideysato faro-gelinta Midowga Afrika.

Hoose ka akhriso qoraalka Midowga Africa