Hooyo Soomaaliyeed oo lagala wareegay lix caruur ah oo keligeed Soomaalia loo tarxiilayo (Sawirro)

Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa hooyo Soomaaliyeed  ah ku xukuntay sannad iyo sagaal bilood oo xadhig ah, kadibna in dalka laga saaro oo lagu celiyo dalka Soomaalia.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in hooyadan oo waliba qayb ka mid jidhkeeda wax qabta laga qaado oo dowladda ay kala wareegto caruur tiradoodu gaadheyso 6 caruur oo ay dhashay.

Maxkamadda ayaa hooyadan Soomaaliyeed ku eedeysay in caruurta ay hagardaameyn jirtay ayna dili jirtay sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Arintan ayaa soo laabatay sannadkii hore ka dib markii mid ka mid ah caruurta uu wacay booliska isagoo u sheegay iney mar kasta garaacdo hooyadood taasoo keentay in la xidho haweeneyda lagana kaxeeyo caruurta oo da’doodu u dhexeyso 3 illaa 15 sanno jir.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Denmark ayaa wada olole xoogan oo ay ku doonayaan iney dib loogu mideeyo hooyadaas iyo caruurteeda, si looga hortago in keligeed loo tarxiilo Soomaalia.