XASUUQII MAGAALADA AYSHACA

Xasuuqii Magaalada Ayshaca hada waxaa laga joogaa 59 sano , muddada intaa le eg waxaa kali ah oo hir galay dawlada Ethiopia oo si rasmi ah u garwaaqsatay inuu wixii goobtaa ka dhacay xasuuq bini adminimada ka dhan ah uu ahaa .
59 kaa sano Dawlada Ethiopia waxay u la dhaqmaysay gobolka Sitti inuu yahay goob xiyiran ama goob dagaal oo ah inuu ka caaganaado kaabayaasha dhaqaalaha oo dhan iyo wax kastoo fudaydinaya u adeega bulshada waxaana lagu suntay Reer Sitti inay yihiin dad lid ku ah qaranimada Ethiopia .
Gobolka Sitti malaha jidad isku xidha degmooyinka iyo magaalooyinka , jidka wayn ee isku xidha Diridhaba iyo Ali Sabieh intaa oo sano waa la diidanaa in la bixiyo sanadan 2019ka ayaa la furay .
Qofka doona inuu iskaga gudbo magaalooyinka G.Sitti wuxuu mudanayaa safar halis badan haduu roob ka da’ay na maba jiro wax isu socod ah .
Gobolka Sitti wuxuu umutay waxaasoo dhib ah waa qadiyad Soomaliyeed oo ah taageeradii reer Ayshaca ay taageereen walaalahood Somali wayn oo ay ka dhexeeyso wada dhalasho, dhiig, iyo dhul .
Ma rabo inaan ku sii fogaado dhacdadaa ee waxaan rabaa inaan la wadaago ka soo qaybgalayaasha iyo gudida diyaarinaysa xuska lagu ballaansanyahay maalinka bari ah 14/09/2019 waxaan la wadaagayaa ka soo qayb galayaasha arimahan :
1- Hortaba waad ku mahadsantihiin inaad xuskaa samaysaan waana wax aad u qaali ah Lakiin :
A- Xusku waa uu ka duwanyahay Xafladaha kalee la sameeyo waa xus xasuuq dhacay oo aad u foolxumaa sidaa awgeed waa inuu ahaadaa xusku mid xanbaarsan wiiro iyo murug ma aha inaad ka dhigtaan xus farxadeed .
B- Waa in barnaamijyada la soo bandhigi ahaadaan kuwa ka turjumaya wixii dhacay iyadoo laga run sheegayo wax kamid ah na aan la qarinayn .
C- Waa in la siiyo magaalada Ayshaca Maqaam sare oo ay ku mudatay Xasuuqaa loo gaystay :
* Waa in loo sameeyo magaalada dib u dhis loona dhaxag dhigo oo laga fuliyo mashaariic horawmarineed oo waawayn
D- Waa in la siiyo magdhaw dhibanayaashii Xasuuqa ee kuwaayay goobtaa Naf iyo maal labadaba .
E- Waa in la sameeyo taallo ka wanaagsan kana muuq roon tan hada ka dhex taagan magaalada .
F- Waa in dayr lagu soo xidho xabaalaha shuhadada oo laga dayro cagta iyo qashinka lagu qabayo .
G- waa in la garwaaqsado ragaadinta iyo dib u dhiga iyo xayiraada haysatay gobolka Sitti inuu xasuuqaayi ugu wacnaa sidaa awgeedna laga fuliyo gobolka sitti mashaariica horawmarineed ay u horeeyaan jidadka kuna xigaan adeegyada kali sida laydhka caafimaadka iyo tacliintu .
Gunaanadkii waxaan ku baaqayaa in la joogteeyo xuska xasuuqa laguna beego maalinkuu dhacay oonan dib looga dhigin maalinkaa oo ku beegnaa 12/08/1960 .
waxaanan eebe wayne uga baryayaa dadkii soomliyeed ee xasuuqaa lagu laayay inuu eebe xabaalaha u nuuro danbigoogana dhaafo intii ay ka baxeena samair iyi iimaan ugu deeqo .
W.Q : Zakaria Saad Ahmed