Dadka Ayshaca Dameer, HAAA leh (Ciyaaya) yaan laga soo Reebin!

Hadalkaasi wuxuu ahaa Hal Hayskii wuu soo baxshay Boqor Hayle Salaasee habeenkii Weerarka lagu soo ahaa magaalada Ayshaca.
Sidda la wariyeey Waxay ahayd maalin Sabti ah oo bisha August 13 ay ahayd goor waa dhaawad ah sannadkii 1960.
Magaalada Ayshaca waxay ku taal dhabada Tareenka waana magaalada 3 aad ee u joogsado Tareenku marka laga yimaado dhanka dalka Jabuuti,marka xaga Addis Ababa laga yimaadna waa magaalda 30 ilaa 35aad tareenkii hora.
Magaca Ayshaca meesha u ka yimid waxaaa lagu sheega in uu ka soo jeedo buur la yidhaahdo(buurta ama Dhagax Ayshaca oo dhanka galbeedka ka xigta magaalada Ayshaca,waxaa kalo jirtay sidda laga soo xigtay dad wax ka qoray soo yaalka tareenka in magaca Ayshaca uu ka soo jeeday Eri af Talyaani lagu sheegey oo ahaa (ACIA) wuxuuna soo shaac baxay magacaasi intii uu socday dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo talyaaniga ee 1896-kii.
Sidday doonta ah ahaate magaalada Ayshaca wuxuu ilaahay ka dhigay meel ahayd ilaa maantana ah goob halbowle u ah isku socodka iyo dhaqaalaha jabuuti iyo Itoobiya muhimadda waxay Ayshaca kala wareegtay magaalada Qalcadda oo laf dhabar u ahaan jirtay ilbaxnimaddi Saylac iyo Harar Ayshana waxay kaalinta u matashaa jabuuti iyo Diri-dhaba.
Ayshaca waxay ku taal goob ku haboon nolosha xoola dhaqatada waxaa ku yaal banaanka waawayn ee ku haboon dhaqashadda geela sidda banka wayn ee HABAQO,iyo GEEL-CASE waxay sidoo kale caan ku tahay DABAYSHA gu,iyo Jiilaal aan kala go,ayn ee loo yaqaan dabaysha Qayla wayn waa sababta mararka qaarkood sidda Xagaaga oo kalee Ayshaca loogu yeedho Ayshaca Boodhlay oo dabaysha ka soo kacda bada cas ayaa siigo iyo boodh ku reebta magaalada iyo degmada dhamaanteed.
Wakhtigan Casriga ah ee farsamadda iyo Tecnologigu heer gaadhay dabayshi shalay boodhka iyo baladda loo haystay waxay magaalada Ayshaca ka dhigtay dahab iyo dheeman ay cid walba usoo guclayso.
Muhiimadda iyo Stratijiyada ay leedahay Ayshaca waxaa koow iyo labo ka ahaa goobta ay ku taal oo ah goob ay ku kulmaan 3 wadan oo dadka degaankuna ay yihiin dad wada dhashay oo Soomaaliyeed gaar ahaan beesha ciise wax kasta oo geeska ka dhaca waxay Ayshaca ku yeeshaan saamayn gaar aha sabatuna waa goobta ay ku taal.
Sababta ugu wayn ee Aychaca loogu soo duulay waxay ahayd in laga uriyey in dadka reer Ayshaca yihiin wadiniyiin Soomaaliyeed oo xornidoon u badnaa curashadda dawladnimdda Soomaaliya oo ay u hanqal taageen ayaa ugu tun waynayd dambiga lagu gumaadday Ayshaca.
Is badal kaste oo ku yimaad degmada waxay reer Ayshaca si dhib yar ayay u saamayn jirtay oo dadka degaanku ku midaysan jirtay wanaana wax yaabaha u dhibsan jiray Boqor Hayle salaalee Tusaale ahaan; waxaa degmada Ayshaca u dhashay rag degaanka aan laga daba hadli jirin oo siyaasadda,Diinta iyo Xeerka intaba ku xeel dheeraa,Boqor hayle Salaaseena il gaar ah ku eegi jiray.
Qaybta; dhaqanka waxaa degamadda Ayshacadi Hora ku taal Buurta Sitti oo ah meel lagu maamuso dhaqanka iyo xeerka dadka degaanka,waxaa kalo degmada Ayshaca u dhashay raggi lahaa aas-aaska iyo hir galinta xeerka Sidda;
Xassan Gadiidshee,
Barre Riya-Case,
Cabdalla caagane,
Gaboobe sange iyo qaar kalo badan.
Geesta;Diinta Islamka waxaa ku dhashay rag ama Culumo beesha u dhashay oo aad loo qiimeeyo sidda Sheekhi Suufiga ahaa ee Sheekh Muus Rijaal oo magaalada Ayshaca ku dhashay kuna aasan,
Xagga;Siyaasada waxaa degmadda Ayshaca u dhashay ragga ugu badan ee siyaasadda Jabuuti,Itoobiya iyo Soomaalia ugu jiray beesha degta 3.daa wadan Tuusale;
1.Jabuuti,Maxamuud Xarbi wuxuu asal ahaan ka soo jeeday degmadda Ayshaca,
Cali Bahdoon isna wuxuu ahaa halgama reer Ayshaca ahaa oo taarrikhda Jabuuti laga saaray,Muumin Bahdoon,Aadan Rooble,dhamaan waxay asal ahaan ka soo jeedeen degmada Ayshaca.
2.Soomaalia;Cilmi Nuur Faarax Maayeerki magaalada Saylac ee 1960-kii wuxuu ahaa isna ree Ayshaca,
Kornayl Faarax Faras,oo ka mid ahaa saraakisha golaha dhex ee kacaankii Soomaalia oo wali nool sidda filaayo,
Abdi Samatar oo ku caan baxay massacre D,Obock oo askar Fransiis ku xasuuqay xeebta Jabuuti waa inti aan magaalada Jabuuti la aas-aasin isna wuxuu ahaa halgama reer Ayshaca ahaa.
Waxaa intaa oo dhan baradhaafshay oo aan marna la iloobi doonin halyeykii sabata koobaad ee xaquuqa Ayshaca lagu soo eedeeye ka dibna qoorta lagaga jaray magaalada Erer Xussen laxdil.
Boqor Hayle Salaase si bilaash ah uma bartilmaameedsan magaalada Ayshaca ee wuxuu arkaayey in ay Ayshaca tahay goob soo saarta dhalin yaro indheer garad ahayd iyo siyaasiyiin Soomaali-jcel,culumo awdiin u han wayna in ay diintooda Islama si madax banaan ugu dhaqmaan,ku xeel dheerayaal dhaqanka iyo xeerka caadooyinka wanaagsan ee ummadda Soomaalyeed wuxuu arkaayey Hayle Salaasee muwjadaha wadanimadda leh ee ka burqaan Ayshaca haddu sidda ugu dhaqsaha badan uga hor tagi waayo in uu cawaaqib xumo kala kulmo doono mustaqbal dhoow iyo kan fog intaba waxayna ahayd sababta ugu waynayd ee weerarkiisa.
Xasuuqa magaalada Ayshaca wuxuu ma hadho reeb ku yahay dhacdooyinkii Qarniga na dhaafay ka dhacay aduunkan waxaa sidoo kale ma hadho reeb kale noqon karta sidda dawlada kaste oo soo martay dalka Itoobiya ay uga hadlin iska in ay ka hadasho ee waxay halkii kasii wata dhacdooyin aan ka hoosayn mashaqadii Ayshaca marka laga shiidaal qaado waxaa ka socda galbeedka Sitti ee 6 sanno jirtay iyo sidda aan loo rabin in xal waara laga gaadho.
Shacabka reer Sitti waxay sannadka 1960-kii u yaqaaniin labo magac oo mid yahay sannadkii (Gawdii midka kalena yahay sannadkii Ganood)waa laba magac oo mid walba waxaa u tilmaami laga garan magaca loo baxshay Gaw waa daryankii iyo dhawaaqi gantaalihi loo adeegsaday ummad dhan oo magaalo ku noolayd.
Ganoodna waa ciilkii iyo tiiraanyaddi laga dhaxlay gumaadka loo meel dayn Ganood waa marka uu qofku wuu waayo meel u ciirsado iyo wax uu yeelo ee aad nafta iyo nolsha aad dhamaanteed nacdo ee madaxa iyo qoorta aad labadda jilbood hoos galiso adoo oohin iyo murugo kuu dhamaatay.
Abwaan Soomaaliyeed oo tix gobay ah ku cabiray wixii Ayshaca ka dhacay waaga wuxuu yidhi;
Siqiir iyo Kabiir Ayshaco nabad ku soo hoyatay Sag dhaxay galeenbay Qumbulad sun ah kuu Tuureen Surtay wada jareen Wiilashi Timaha Sohnaayee Suldad Xabashiyeed Nimay Heshaa waa Sac kuu Taliyeee.
Xaaji Aadan Axmed Xasan(Abwaan Af Qalooc)